Xog muhiim ah: Sababta ka Danbeyso inaan la Furin Dakada Magaalada Hobyo Burburkii ka Dib oo Lasoo Ogaaday.

Dagmada Hobyo Waa Dagma ka mid ah dagmooyinka gobola mudug somalia waxayna dhacdaa Xeebta gobolka mudug somalia

Magaca Hobyo marka uu baxay iyo sida uu u baxay midna si saxa looma yaqaan, hasayeeshe waxaa la sheegay in magacaas oo ah mid da’ weyn in loo maleynayo inu ka yimid labada erey oo kala ah: “ Ho Biyo” sababto ah dhulka xeebta ayaa leh biyo aad u macaan oo wax ka yar laba fiit lagu gaaro.

Hobyo waa marso dabiici ah oo ganacsi iyo xiriir dheer la soo lahayd dalalka kulaala Bad Weynta Hindiya iyo Bada cas .1894kii Dadka Hobyo daganaa waxay ganacsigooda uga iman jireen wadamada Hindiya,Yemen iyo Tansaaniya, talayaaniga iyo kuwa kaloo xiriir ganacsi la haayeen
waxaa la sheegaa in ganacsatada marsada hobyo waxa ka la soo dagi jiray xiligaas ay ka kala imaan jireen dhamaan dhulalka somalida ethopia iyo gobalada somaaliyeed ee kala ah hiiraan galgaduud ,mudug iyo qaar ka mid ah gobalada bari…,

intaas oo dhul iyo dadkii daganaa waxaa baa hidooda dabooli jirtay marsada hobyo maxaa yeelay waa dakada kaliya ee u dhaw dakad ahaan .

Hada waxaa hobyo isku heysto maamulo walaalo ah oo wada daga deegaanka midba mida kale waxaa uu rabaa inuu isaga si gaar ah u furto dhaqaalaha ka soo baxana kaligiis maamusho.,
Hadii ay maamulada walaalaha ah ku heshiiyaan inay furaan dakada hoyo maxaa dhacayo?

waxaa hubaal ah in maamulayaasha dekada boosaaso ay waynayaan dhaqaalaha faraha badan ee ka soo xarooda dakadooda waliba daraasad la sameeyay waxaa ay sheegaysaa inuu dhaqaalaha ugu badan ka soo xarooda dhoofinta xoolaha nool oo 80% kiiba ka imaadan gobolada dhexe sida Hiiraan iyo Galgaduud iyo waliba dhulka deegaanka somalida ethopia .

hadii labada maamul ee walaalha ku heshiiyaan siday dakada hobyo u furan la haayeen ayna qataan go,aan geesinimo leh kuna heshiiyaan siday u maareyn lahayen dhaqaalaha ka soo xarooda .waxaa meesha ka baxayo dhaqaalaha faraha badan ay dadka gaarka ah jeebkooda ku dhacaayo oo ay dowladii dhaxe waxba ka ogeyn .

marka si aysan u dhicin sidaas waxaa ay isku dayaan marwalbo oo ay dhaqaalo ku bixiyaan , waxayna dhaqaalahaas sii yaan calooshood u shaqeystayaal ka soo kala jeedo maamulada walaalaha ah taas ayaa sababtay in ay muran gasho furitaanka dakada caalimiga ah ee Hobyo.

Talo: waxaan ku la talin lahaa maamulada deegaan wadaaga ah inay isa soo horfariistaan oo ay colaada ku badalaan wadahadal nabadeed si ay u garaan xalwaara oo ay aayahooda ugu tashtaan asaagoodana wax ula qeybsadaan waxan kaloo leeyahay ogaada wuu dhamaaday xiligii hurdada dheered dadka deegaanku waxay u baahanyihiin Amni iyo Hormar………

W/Q: Abdulkani Hassan Salad
Political Analyst
Switzerland
xeydar_@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxa ay gaar ku tahay qoraaga ee maaha mid ay qabto allsomalia.com

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in OPINION, wararka maanta. Bookmark the permalink.

Comments are closed.