Wararka ka imaanya degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in la fashiliyay qaraxyo la doonayay in laga geesto deegaano ka tirsan gobalka Shabeelaha Hoose.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadaan la doonayay in lagu weeraro xarumaha maamulka ee gobalka Shabeelaha Hoose eek u yaala degmada Afgooye.
Masuuliyiinta maamulka degmada Afgooye ayaa warbaahinta u sheegay in gaadiid ay ku xirnaayeen waxyaabaha qarxa ay ku qabteen Shabeelaha Hoose gaar ahaan degmada Afgooye.
Gaariga ayaa la sheegay in lagu qabtay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo la doonayay in lala soo aado dhanka gudaha degmadaasi Afgooye.
Masuuliyiinta maamulka ayaa sheegay in arintaani ay ku surto gashay markii ciidamada dowlada ay sameeyeen howlagalo amaanka lagu xaqiijinayo ayna kusoo qabteen gaarigaani.
Deegaano badan oo ka tirsan gobalka Shabeelaha Hoose iyo waliba magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo xoogan oo ay geesteen kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya.
Ilaa iyo iminka ma jirto wax war ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan waxyaabahaan qarxa ee lagu qabtay degmada Afgooye, iyo waliba halka ay la damacsanaayeen.





