Wey adagtahay in la qiyaaso xaddiga uu la egyahay dhibaatada saacad kasta dadka musaafuriinta ah loogu geysto wadada isku xirta muqdisho iyo afgooye, weyse dhib badan tahay in mar kaliya la soo koobo dhibaatada xooggan ee wadadaasi ka jirta.
Dhamaadkii bishii may ee sanadkii 2012 ayaa al-shabaab laga saaray fariisimo dhowr ahaa oo ay ku lahaayeen wadada isku xirta muqdisho iyo afgooye, ilaa markii dambe gebi ahaanba ay ka baxeen deegaanadii kale ee ceelasha, lafoole, carbiska iyo afgooye.
Dadka deegaanadaasi ee mudada afarta sano aheyd ku hoos jiray taladii al-shabaab markii lagu guuleystay howlgalkii al-shabaab looga saaray halkaasi waxay rajeynayeen in ay xigi doonto neecaaw xoriyadeed.
Waxay filayeen in ay hili doonaan maamul cadaalad ku hogaamiya, ciidan carbisan oo amaankooda damaanad qaada iyo jawi ka bedelan kii ay hore ugu sugnaayeen.
Nasiib daro maalmo badan kama soo wareegin markii jidgooyooyinku bilowdeen, isla markaana ay ku xigeen dhaca, baarashada, kufisga, jirdilka, dhaawaca iyo xataa dilka xaqdarada ah ee loo geysto dadka ku safra wadada isku xirta muqdisho iyo afgooye.
Dhibaato la dhihi karo tii ugu xumeyd oo maalinba sii kordheysa ayaa ka jirta wadadaasi, ayadoo cid ay culeys weyn ku heysana aanu jirin, marka laga soo tago dadka ay dhibaatadu ku dhacdo oo iyaga laftigooda dhibkooda iska qarsada, inkasta oo ay mararka qaar si qarsoodi ah idaacadaha ugu sheegaan oo aan idaacaduhuna ahmiyad weynba siinin.
Gabar wariya ah oo mustaqbal ka tirsan ayaa wadada u bareertay in ay ku safarto si ay usoo ogaato waxa halkaasi ka jira, nasiib daro waxay ka mid noqotay dadkii lagu fatashtay wadada ayaga oo gaari BL ah saaran, xilli barqo cad ah.
inkastoo aan cidna dhacdadaasi lagu dilin ama aan xabad lagu dhaawacin, haddana wax kasta oo ay dadku heysteen ayaa rag iyo dumarba laga furtay, jirdil jirkooda dhaawacyo gaarsiiyeyna lagula kacay, waxaa nasiib wanaag ah in mooryaantii fool xumadaasi geysaneysay aysan xumaan kale kula kicin gabdhihii gaariga saarnaa, taasina wey ku dhiiran lahaayeen koleyba waqtiga ayaan u saamixin.
Sidaas iyo si kasii fool xumo badan ayaa saacad kasta ay dadka u dhibaateeyaan rag ku labisan dareeska ciidamada dowladda oo laga yaabo in ay yihiin kuwii bilooyin ka hor ku faanayey in ay al-shabaab dadka ka xoreeyeen.
Markii bishii may uu dhacay dagaalkii al-shabaab looga saaray qeybo ka mid ah gobolka shabeelaha hoose, warbixinadii ay saraakiisha dowladu siinayeen warbaahinta si dadka dhegahooda loogu dhibciyo waxay u badnaayeen “dadka deegaan hebel ku dhaqan waa la xoreeyey ama hadda ayaa la xoreynayaa”, ereyadaasi la asluubeeyey ayaana dad badan soo jiitay oo kalifay in ay u riyaaqaan howlgalkii socday.
Markaasi al-shabaab laga saaray deegaanada hadda gacanta ugu jira ciidanka dowladda, ka hor ma jirin dhac iyo kufsi dadka loo geysan jiray, inkstoo culeysyada qaar la soo sheegi jiray, haddana gawaaridu waxay shaqeyn jireen saacad kasta habeen iyo maalin, xitaa dadku ayaga oo lugeynaya ayay socon jireen saacaddii ay doonaan, haddii aan xaalad kale jirin, qofkii la dulmo wuxuu aaminsanaa in uu helayo cid uu u dacwoodo.
Sidey ila tahay waxay dadku is lahaayeen waxaad heli doontaan wax intan ka sii wanaagsan oo nidaam dowladeed ah, ciidanka maleeshiyada lagu tilmaamay waxaad arki doontaan askar dowladeed oo dadka saaxiib la ah.
Waxaa is weydiin mudan dadkaasu miyaaney xaq u laheyn in ay helaan rajadii ay ka qabeen isbedelkii ka dhashay howlgalkii al-shabaab lagula dagaalamay, soo dhaweyntii ay maamulka dowladda soo dhaweeyeen ma waxay abaal gud u heleen, dhac joogto ah, handadaad, cabsi gelin, jir dil, canshuur aan nidaamsaneyn, jidgooyo teel-teel ah, kufsi iyo dil xaq daro ah.
Waxaa la dhihi karaa waa nasiib daro ka badan intii hore, oo dadka ku habsatay.
Ciidanka dowladda oo dareeskiisa hadda wax lagu dhaco ama lagu dilo waxa uu dagaal joogto ah kula jiraa dhalinyarada hubeysan ee al-shabaab oo weli gactooda ku jira deegaano badan oo koonfurta iyo bartamaha dalka soomaaliya dhaca.
Dabcan dagaal kasta waxaa bar-bar socda diyaacado iyo barabagaandooyin ay labada dhinac isu adeegsadaan ayada oo ujeedaduna tahay in dagaalyahanada kooxda kale ka soo horjeeda niyadda iyo ruuxda laga dilo isla markaana dadka taageeradooda lagu kasbado.
Marka ay sidaasi tahay waxaa kaloo is weyndiin leh si kasta oo maamulka dalka ka jira uu u sameeyo dicaayad abaabulan oo lasoo qurxiyey oo ay bar-bar socdaan dadka ku labisan dareeska ciidamada dowladda oo dadka dhibaateeynaya, miyaaney taasi dhabar jab ku aheyn abaabulka dowladda.
Jawaabtu waa haa, haddii howlgalka daacad laga ahaa, oo shacab dhibaateysnaa la xoreynayay.
Haddii maamulka dowladdu uu ujeeddo fog ka leeyahay kasbashada dareenka shacabka iyo fidinta hab maamulka dowladeed, waxaa lama huraan ah in wax weyn laga qabto kuwa caadeystay in ay ciidanka isu ekeysiiyaan ama ay ka mid ahaadaan iyaga oo dadkana dhibaato joogto ah kula kacaya.
Warbaahinta maxaliga ah ee halku dhigna ka dhigtay u adeegidda shacabka waa in ay si weyn u soo muujiyaan oo waqti badan geliyaan ka hadalka culeyska shacabka lagu hayo.
Culimada diinta iyo odayaasha dhaqankuna waa in ay ka dhiidhiyaan dhibaatada iyo ciqaabta ay arrintani leedahay.
Waxaa jirta qaacido fiisikis ah oo qeexeysa “in wax kasta oo la caburiyo uu marka dambe qarxo” sidaasi daraadeed inta aanu shacabku ku qarxin maamulka dalka ka jira, Dowladdu xil weyn waa in ay iska saartaa in ay wax ka qabato kuwa ku dhex nool islamarkaana shaqada ka dhigtay in ay baneystaan dhiigga iyo hantida dadka muslimka ah, howshaasi waa in ay ka hor marisaa howlgalka ay al-shabaab kula dagaalameyso.
W/D: Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar)
Afeef: Aragtida qoraalkaan waxa ay gaar ku tahay qoraaga ee maaha mid ay qabto allsomalia.com





