Wasiirka Howlaha Guud iyo Dekadaha ee Dowladda Federralka oo La Kulmay Dhigiisa Dalka Sudanta Waqooyi

Wasiirka Howlaha Guud Iyo Dekadaha Ee Dowlada Federalka Oo La Kulmay Dhigiisa Dalka Sudanta Waqooyi Wafdi Uu Horkacayo Wasiirka Howlaha Guud Iyo Dekadaha Dowlada Federalka Soomaaliya  Mudane  Muxudiin Maxamed Kaalmooy Oo Ku Sugan Magaalada Khartoum Ee Dalka Sudanta Waqooyi  Ayaa  Kulamo La Qaatay Masuuliyiin Ka Tirsan Dowlada Sudan, Iyagoona Ka Wadahadalay Xiriirka Labada Dal Ee Soomaliya Iyo Suudaan ta waqooyi .

Sidoo Kale Waxaa Kulankaasi Intii Uu Socday Qodobada Looga Hadlay Waxaa Ku Jiray Isdhaafsiga Khibrada Iyo Khubarada Ku Taqasusay Dhanka Dib U Dhiska Dalka, Iyo Sidii Dowlada Sudan Ay Taageerada Ay Siiso Soomaliya Ay U Balaarin Laheed Islamarkaana Dib U Dhiska Dalka Ay Qeeyb Kaga Qaadan Lahaayeen.

Wasiirka Howlaha Guud Ee Xukuumada Soomaliya Muxudiin Maxamed Kaalmooy Iyo Wafdi Balaaran Ee Uu Horkacayo Ayaa Waxaa Ay Gaareen Magaalada Khartuum Ee Dalka Suudaan Waxana Wafdigaasi Lagu Wadaa In Sidoo Kale Uu Kulamo Ay La Qaataan Masuuliyiin Kale Oo Ka Tirsan Dowlada Dalka Sudan Dowlada Federalka Oo Ah Dowlad Dhawaan Ka Dhalatay Laguna Doortay Madaxda Dalkooda Hooyo Ayaa Haatan Waxa Ay Dib U Dhiseesaa Xiriirka Dalalka Dibada Waxaana Gulo La Taaban Kara Ay Ka Soo Hoyisay Dalal Badan Africa Iyo Yurub Ah Oo Taageero Lagarab Is Taagtay Dowlada Somaliya Dhaman Ay Balan Qaadeen Sidii Ay U Saacidi La Haayeen Shacabka Somaliyeed Oo Burbur Xoogan Soogaaray Sidoo Kale Dowlada Badan Ayaa Balan Qaaday Ineey Bilaabayaan Dib Udhiska Dalka Iyo Ciidadmada Si Loo Gaaro Amaan Iyo Xasilooni Ka Dhalata Dalka Somaliya

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in Wararka Maanta, wararka maanta, Warka Soomaali [news]. Bookmark the permalink.

Comments are closed.