Wararkii ugu Danbeeyay Xaalada Caafimad ee Mrs Hillary Clinton.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka maraykanka Mrs Hillary Clinton ayaa maanta goor danbe casarkii laga saaray cisbitaal ku yaalla magaalada Newyork oo ay laba maalmood ka hor ku gashay qalliin lagaga soo saaray xinjir fadhiisatay isha iyo maskaxda dhexdeeda oo ay dhakhaatiirtii ku tilmaameen in si wanaagsan loogu guulaystay qallinkaasi.

 

Mrs Clinton oo aan muddo bil ah lagu arag masraxa siyaasadda ayaa Bishii horaantii bishii December la sheegay inay u jiifsatay duray xun oo haleelay balse todobaadkii hore ayuunbay dhakhaatiirta dawaynaysay sheegeen in xinjir dhiig ahi ay fadhiisatay meel u dhexeaysa isheeda iyo maskaxdu taasi oo ku keentay Mrs Clinton daal iyo dawakhaad farabadan, qalliinkani lagu sameeyey ayaa ahaa mid fudud sida ay dhakhaatiirta dawanaysa xaqiijiyeen, waxay ahayd horaantii bishii hore markii ugu danbaysay ee lagu arko Clinton goob siyaasadeed iyadoo wakhtiga booqanaysay Jamhuuriyadda Ireland.

Mrs Clinton ayaa markii ay dhakhtarka ka baxaysay waxaa dhinacyo socday Odaygeeda Madaxweyne Clinton iyo inanteeda Chelsea Clinton waxaana markiiba cisbitaalka lagaga qaaday kolonyo baabuur ah.

 

Hillary Clinton oo si weyn loo saadalinayo inay u tartami doonto hogaanka madaxtinimada xisbiga dimuqraadiga ee doorashada 2014 dalka maraykanka ayaa warbaahinta dalka maraykanka qaarkood ku sheegeen inaanay xaaladeeda caafimaad u sahlayn tartankaasi oo aad u dheeraan doona balse xogaha hadda soo baxaya ayaa sheegaya inay Mrs Clinton aad u wanaagsantahay lana filayo inay go�aan ka gaadho tartankaasi

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in Wararka Maanta, wararka maanta, Warka Soomaali [news]. Bookmark the permalink.

Comments are closed.