Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen gudi aqoonyanao ah oo maalmihii u dambeeyay xog aruurin ka samaynayay deegaanada maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Ximan iyo Xeeb oo uu madaxwaynuhu ka mid yahay, waxaana looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta shacabka iyo maamulka.
Proff Sufyaan Sh Axmed oo ku hadlayay magaca gudigan aqoonyanada ah ayaa sheegay in xog aruurinta ay ku odaadeen macluumaad badan balse aysan intii ay hawshaasi wadeen arkin wax ku tagri fal hanti dadwayne ah oo maamulka ka dhex jira
Madaxwaynaha maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llahi Aadan Tiiceey oo madasha kulanka ka hadlay ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in bulshadu ay maamulka si hufan ula xisaabtanto,
waxaana uu shaaca ka qaaday in xilligeedii la soo hormarinayo doorashooyinka Ximan iyo Xeeb isaguna uusan ka mid ahayn siyaasiyiinta doorashadaasi ku loolamaya.
Kulanka ayaa ku soo dhamaaday jawi dagan, waxaana qaybaha shacabka iyo maamulku isla afgarteen in si wada jir ah looga shaqeeyo hormarinta deegaanka
Allsomalia.com/xafiiska Cadaado





