Booliska wadanka Ugandha ayaa sheegay inay hayaan xog rasmi ah oo muujinaysa in dagaalamayaal ka tirsan kooxda mucaaradka ku ah Dawlada wadankaasi ee ADF la yiraahdo ay tababaro ku qaataan xeryo ku yaala gudaha Soomaaliya oo ay leeyihiin Xarakadda Al-Shabab.
Gen. Aronda Nyakairima Taliyaha ciidamada difaaca Ugandha ayaa ka sheegay magaalada Kampala in xog muhiim ah oo ay hayaan oo ay ka heleen hay’adaha amaanka ay xaqiijinayso inuu jiro xiriir qoto dheer oo xilligaan ka dhaxeeya Xarakadda Al-Shabab iyo falaagada hubeysan ee ADF oo dalka Uganda ka dagaalanta.
Gen. Aronda Nyakairima waxaa uu sheegay in wada shaqeynta ka dhaxdeysa Al-Shabab iyo ADF uu gaaray heer ay abaabulaan weeraro lagu qaado wadanka Uganda maalmihii loo dabaal dagayay sanadka cusub hase ahaatee la fashiliyay markii hay’adaha amaanku ka war heleen.
Sarkaalkaan hogaamiyaha ciidamada difaaca Ugandha waxaa uu sheegay in falaagadaan ADF ay hadda wado qorshe ay ku doonayso inay dawlada Ugandha ay ka weeraraan dhanka dalka Congo-da dimoqraadiga hase ahaatee ay ka war hayaan hay’adahood amaanka
Xubno ka tirsan hogaamiyaasha jabhadda ADF oo ay ka mid yihiin Jamil Mukulu, Hood Lukwago, Amis Kasadha, Musa Baluku, Mohamed Kayiira, Filipo Bogere, Jamil Muzzanganda ayuu sheegay taliyuhu inay qaarna Soomaaliya joogaan qaarka ay xaduudaha dhaq dhaqaayo ka wadaan.
Maleeshiyadda jabhadaan ayay booliska Ugandha sheegeen inay intooda badan tababaro ku qaateen xeryo ay Xarakada Al-Shababku ku leeyihiin gudaha Soomaaliya.
Jabhadda ADF oo Dawlada Ugandha la dagaalanta ayaa xarumo ay dagaalada ka qaadaan waxay ku leeyihiin galbeedka wadankaas mana jiro willi wax war oo jabhadaas kasoo baxay.
Al-Shabab Soomaaliya ayay kula dagaalantaa ciidamada Ugandha ee qeybta ka ah hawlgalka AMISOM ee Midawga Africa Soomaaliya ka wado.






