Telefoonnada Gacanta ah ee Casriga oo la Ogaaday Inay Sababaan Shuban iyo Indho Xannuunka

Telefoonnada casriga ah ee luuqada qalaad lagu yidha Smartphones ayaa dhakhaatiir caalamiya sheegeen inay sababaaan cudurka hargab shimbireedka ee la yidha Flue, shubanka iyo indho xannuunka, iyagoo arrintaas ku sababeeyey in telefoonnada si fudud u qadaan bakteeriyada cudurradan ka dhashaan, sidaa darteedna si fudud ugu gudubta qofka isticmaala.

Dhakhaatiirtan oo u dhalatay dalka Maraykanka waxay dadka uga digeen inay telefoonnada gacanta u dhaweeyaan dhegahooda, sankooda iyo afkooda si aan bakteeriyadaasi ugu gudbin.

Tijaabo ay ku midoobeen dhakhaatiiran ayey ku ogaadeen in telefoonnada tiknoolajiyada ah ay qadaan jeermisyo badan, kuwaasoo ka soo qaada meela la dhigo.

Sababta dhakhaatiirtu arrintan u soo saareen ayaa ah in moobiladu yihiin waxyaabaha ugu badan ee dadku meel kasta dhigaan, isla markaana la tegaan sariirtooda, meelahay ku cuntaynayaan iyo meel kasta oo ay ku nasanayaanba. Khubaradan oo ka tirsan xarunta baadhitaanka caafimaadada amma waxyaabaha cudurada dhaliya HML Lab of Muncie Ind., kuwaasoo sheegay in telefoonnadu gudbin karaan bacteeriyo tiradeedu dhan tahay 2,700 ilaa 4,200, taasoo ah nooca halista ah ee loo yaqaan Coliform Bacteria.

Prof. Michael schmidt ah guddoomiye-ku-xigeenka jaamacadda lagu dhigto culuumta la xidhiidha cudurada ili ma qabatinka iyo hab-dhiska difaaca jidhka jaamacadda caafimaadka ee South Carolina ee dalka Maraykanka ayaa wakaaladda wararka ee WSJ ayaa u sheegay in telefoonnada gacanta iyo qalabka tikloojiga ah si fudud u gudbin karaan bacteeriyada cudurrada shubanka iyo caabuqa indhaha sababta.

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in Business, Health, Politics, Technology, Travel. Bookmark the permalink.

Comments are closed.