Tartan ku Bada Cagta ah oo ka Furmay Magaalada Beledweyne.

Munaasabadda furitaanka tartanka waxaa ka soo qeyb-galay mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan, saraakiisha ciidamada Jabuuti ee AMISOM, fanaaniin, iyo dadweeyne ka kala yimid xaafadaha magaalada oo u soo daawasho tagay cayaarta furintaanka ah ee ka dhaceysa Garoonka Lama galaay.

Guddoomiyaha gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo ka hadllay goobta ayaa sheegay in tartamada noocan oo kale ah ay qeyb weyn ka qaataan is dhax-galka bulshada iyo soo celinta nabadda, maadaama ay ku kulamayaan dhalinyarada iyo qeybaha bulshada aan fursadda u helin mudo dheer in ay is arkaan.

‘’Annaga ka maamul ahaan waan dhiiri-galineynaa arintan, waayo sida aan la soconno dagaalladii dalka ka dhacay waxa ay sababeen in ay hakad galaan dhamaan tartamadii Isboortiga ee kala duwanaa, dib u soo laabashadoodana waxaa ay muujineysaa astaan nabadeed,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobollka Hiiraan.

Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka howl-galka midowgga Africa ee AMISOM oo dayactiray garoonka uu ka furmay tartanka kubadda cagta, ayaa sheegay in howsha ay qabteen ay tahay mid ka tarjumeysa xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood oo ah mid walaalnimo.

Col Cismaan Dubad taliyaha ciidamada AMISOM ayaa ku dhiiri-galiyay dhalinyarrada in ay tartamada noocan oo kale ah uga faa’ideystaan sidii ay u abuuri lahaayeen jawi nabadeed iyo hourmar, isaga oo balan-qaaday in mar walba ay bar bar taagan yihiin dhalinta Isboortiga gobollka.

‘’Tartanka waxaa uu soconayaa mudo Lix cisho ah, ujeedada laga leeyahay waa in ay dhalinyarradu isku arkaan, is dhax-galaan, waayo mudo dheer gobollka laguma qaban tartamada noocan oo kale ah, arrinta kale ee muhiimka ahna waa sidii aan u xuli laheyn mudada uu tartanka socdo cayaartooydii gobolka ku matali laheyd tartanka cayaaraha gobollada ee la filayo in uu ka furmo gobollka Banaadir,” ayuu yiri Max’ed C/llaahi Buuraale Max’edoo ah macalinka cayaartooyada gobollka.

Lugtii hore tartanka waxaa maalintii shalay isku arkay kooxaha Howl-wadaag iyo Buundo-weyn oo halkaa ku soo bandhigay cayaar ay siweyn u jecleysteen dadkii u soo daawasho tagay, waxaana ay ku soo idlaatay waqtigii loogu talagalay 1-1 oo bar-bar dhac.

Marka laga soo tago saraakiisha ciidamada Jabuuti oo dayactiray garoonka, waxaa tartanka maal-galisay hay’adda DRC xarunteeda magaalada Baladweyne, halka koox fanaaniin ah oo uu ka dhax muuqday fanaanka Siidii Cali Winkey munaasabadda furintaanka ka qaadeen heeso dhiiri-galin ah.

Allsomalia.com/xafiiska Baladweyne

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in Wararka Maanta, wararka maanta, Warka Soomaali [news]. Bookmark the permalink.

Comments are closed.