Soomaaliya Sidee Bay Siyaasada u Fahantay? W/Q: Axmed Cabdi Macow “Basbaas”

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan aqristayaasha sharafta leh salaam qiimo leh iyo bariido san dabadeed waxaan rabaa maqaalkaan in aanugu hadlo sida ay soomaalida ay u fahansan tahay ereyga SIYAASAD (Political) oo soomaalida maantay ay u fahantahay si qaldan.

Marka Hore Waa Maxay Siyaasad? (What is Political?)

Siyaasaduwaxa ay leedahay micno fara badan aan qalin iyo waraaq lagu soogoobi Karin balse ay tahay inta ugu macquulsan in lagasoo qaato waayo siyaasada aad bay u baaxad weyn tahay marka laga hadlaayo oo siyaasada dunida oo dhan ayaa ku dhisan oo waxay la jaanqaadaa hadba heerka dunida.

Siyaasadu waa heshiisiin nabadayn ah ama xalinta qaliifaadka ka dhaxeeya dadka ama bulshada heerarka kala duwan ee dunida, siyaasada waa wax ay nolosha bini’aadanka ay qeybka tahay ileyn qof walba wuxuu siyaasadeeyaa noloshiisa ileyn siyaasadu waa qorsheyn ama sharciyeyn taasoo salka kuheyso in sharci siyaasadeed la dhexdhigo shacabka wada nool.

Siyaasadu waa isku keened ama is waafajin arimo kala fog laysku keeno shucuubta is diidan uu qilaafka iyo is afgarad la’aanta kadhaxeeyo waana maamul u sameynta nolosha bani’aadanka qof walba oo wadani u ah  dalkiisa waa siyaasi ileyn dunida maantay waxay ku kala hormareen waa siyaasad balse waxaa eebahey ama ilaahey ka baryayaa in Soomaaliya uu isku keeno si nabad ah siyaasadana fahansiiyo.

Sidaaan wada ognahay qofka marka uu noqonaay osiyaasi waxaa laga doonayaa waxyaabo badan oo uu ku noqonaayo siyaasi:

-          Waana In uu yahay qof garaad ah oo leh caqli ku filan oo uu aqoon iyo dulqaadku hubeysan yahay, yahayna mid xalin karo khilaafaadka nolosha oo garqaadi karo,

-          Siyaasigu waa in uu yahay nin siyaasada u hogaamin karo halka loogu talagalay ahadaa mid ku haboon daryeelka bulshada iyo bani’aadinimada lehna dulqaad iyo garti.

-          Ogow hadaad tahay mid bulshada dhexedeeda xushmad ku leh hadaad tahay waxaa tahay Siyaasi wanaagsan ahaadaana mid ka qeyb gali karo habsami u socodka hanaadka siyaasadeed ee dalka ka jirto.

Akhristow siyaasada waa micno ahaan lama sookoobi karo sida aan horay u soo sheegnay balse waxaan ka sooqaadaneynaa qodobo aan is leeyahay waa lagu fahmikaraa siyaasada waxa ay tahay.

Siyaasadu waa kuwada noolaanshaha midnimo waarta iyo u adeega hormarinta bulshada iyo dhowrista hantida dadweynaha waana aqoon weynaaday siyaasada waana awood isbiirsatay oo wax loogu qabto dalka,dadka iyo diinta.

Hadaba Akhristow soomaalida maantay ayaa waxa ay noqotay mid si xun loo adeegsado ogow siyaasada waa hadba sida uu u adeegsado siyaasiga waxaana wanaagin karo qofka siyaasiga ah asiga ayaana xumeyn karo.

Sababta shacabka soomaaliyeed ay maantay ugu fahmeen siyaasada waxyaabaha xun ayaa waxaa ay tahay in 22 sano dadka sheeganaayey in ay yihiin siyaasiyiinta dalka ayaa waxa ay siyaasada u adeegsadeen si fool xun oo ay ku raadsanayaan dano gaar ah oo islamarkaasna ugu dambeyn ku fishilma dhamaadka siyaasadeedka mustaqbalkooda.

Mudo 22 sano waxa dhibka, rafaadka, qaxa, iyo dagaalada aan dhamaadka laheynba ee waabaryaaba waji cusub lasoo baxo kaasoo sababay in umada soomaaliyeed ay ku dayacan tahay daafaha caalamka waxaana inoo ku wacan siyaasad xumo hadii ay siyaasad jirina ma jiro wax maamul iyo kaladambeyn ah .

In aan fahmi weyno siyaasada waxaa keenay dadka inaga weynaa awooweyaasheena iyo  aabeyaasheena iyo dhamaan dadkii inaga horeeyey ayaa siyaasada ay kaqoloocatay oo geed dheer ka fuushay sidaa awgeed anaga jiilka yar yar hadaan nahay ma anarkin wax midnimo siyaasadeed ku dhisan ileyn ninkasiyaasiga noo ah mid siyaasadiiba u isticmaalay sida shabaakad oo markuu doonana ku qowleysto sidaana ay siyaasada ku xumaato.

Siyaasadu waa midnimo in soomaaliya ay midowdaa waa wax walba oo danta umada soomaaliya ay ku jirto hormarna u leh waa in aan u midownaa xaalad walba oo soomaaliya isku keeneyso hadii aan nahay soomaaliya waxaa luminay doorkii siyaasadeed ee aan kula heynay dunida caalamka,midnimadu waa isku kalsoonaan iyo iswalaalsi awalba soomaalida waxa ay ahaayeen walaalo balse waxaa isku diray siyaasada oo ka qaloocatay, midnimodu waa lama huraan waayo soomaalida waxay tiradaa “ Quraansho Aruurtay bulac ma jiidi weyso” sidoo kale “ Iskaashado ma kufto” Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan dhamaan waa oraah soomaaliyeed oo ka turjumeyso waxa ay tahay midnimada hadii lays biirsado oo la iskaashato ogow waa midnimo, midnimadana waxaa dhaqaajiyo siyaasad ileyn dowlada siyaasad laheyn ma dhaqaaqi karto umad aan qorshe(Plan) ama sharci (Rule) laheyn isma maamuli karto inta na waa siyaasad balse waxaa nasiib daro ah in shacabkeyga soomaaliya aysan arkin sharafta siyaasada mudo fara badan.

Soomaalideydaay in aan midoobi weyno waxaa inoogu wacan siyaasad xumada waayo cadowkeena hadii uu siyaasad naladheelay anaga maxaa dheelnay balse waxaa dib noo dhigay qodobobadan oo isbiirsday:

Aqoon la’aan, midnimola’aan ilbaxnimo la’aan siyaasad la’aan iyo kalsooni la’aan waa intaas inta maantay in aan adduunka baal madow ka galnaa inoogu wacan.

Qiimaha ay midnimada lee dahay waxaa tusaale noogu filan sedexdii Dibi ee tuurjoogta ahaa markii ay naftooda u cabsadeen ayey kushiiyeen in ay midoobaan sidaana ay cadowga iskaga dhiciyaan balse siyaasada meesha kujirto waxa ay tahay in la midoobaa waa siyaasad daahsoon balse sedexdii dibi waad arakteen sida ay xayawaanada kale iskaga dhiciyeen laakiin ogow siyaasada waxbay dhisikartaa waana burburin kartaa sida aan wada ognahay waxaa qiyaanay sedexdii dibi libaax oos iyaasad la dheelay waadna arakeyseen sida uu midba maalin u cunay uu quraac ugu dhigtay balse waxaa maantay meeshaa taagan soomaaliya oo halba meel loo tiray.

Quraansho ayaad garatay in ay ka lee xado dowka ama tubta ( wadada ) ay mariweyso oo tusaale waxaa noogu filan quraanshadii kahartay asxaabteeda kadibna weysay meel ay ka korto geedka oo ilaa seddex mar oo xariir ah kazoo dhacday kadibna goosatay in ay kaleexado wadadaas ay mari weysay kadibna ay kaleexado sidaana ay kugaarto hadafkeeda balse su’aasha isweydiinta mudan aan uguo goleeyahay waxa ay tahay soomaaliya mudo 22 sano ma keeni weysay wado ka duwan halka maantay midnimadii iyo sharaftii soomaaliya ceynka loogu furay shacabkaqof walba waa heystaa dhibaato ku filan intaa ka badana waxaa loo baahan yahay xal, wali ma isweysiisay umadaha kala ceynka ah ama ka midabka ah ee wada nool maxay kuwada nool yihiin? Hada waxaan u daynayaa  Akhristayaasha in ay isweydiiyaan.

Soomaalideydaay talada Qalinkeyga waa( Soomaaliya ha ogaato meesha uu hayinka u raranyahay iyo waqtiga meesha uu maraayo wax walba oo xumaan ahna hal meel ha ugu soo wado jeesato )

Ducada Qalinkeyga waa“ Allahayow nasii Dowlada Daacad ah oo Dadka,Dalka ku Maamusho Diin Ilaahiyo Sunada SuubanaheenaMuxamed (NNKH)Amiin…Amiin…Amiin

Soomaaliya Soomaali Baa leh.

Soomaaliyey kala maarmimeysaane ee midigta is qabsada

W/Q: Wariye Axmed Cabdi Macow “Basbaas”

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxa ay gaar ku tahay qoraaga ee maaha mid ay qabto allsomalia.com

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in ARRIMAHA BULSHADA, OPINION. Bookmark the permalink.

Comments are closed.