Wadanka Soomaaliya Waa Wadan Qani Ah Wax Walbana Heysta Ilaahna Uu Utaamyeelay Hadeey Ahaa lahayd Wabiyo Iyo Bad Kuteedsan Gabi Ahaan dalkeena Hooyo Ee Soomaaliya. Waxa Uu Dalkeenu Leeyahay Neecaaw Udgoon Oo Aadan Marna Kaxiisa Dhigeyn Mana Lahan Cimilo Aad ku dhibeyso Oo Naftaada Qatar Galin Karta Ama Qabow Aad Jaakad Kaxirto Kugu Qasbi karto .
Waxaasa Layaab Mar Noqota Marna Wax Dadku Kuqoslaan In Dhugashada Dhulka Hoose Eey Aad Soomaalidu Uguyartahay Taana Waxaan ula Jeedaa Nin Gurigiisii Dheeman Yaal Dhaxantana Kajiifo In Ay Soomaalidii Noqotay Gabi Intooda Badana Ay Ubaahan Yihiin In laga Gubo Cudurka Yasmada dhulkoda Iyo sara Uqaadida Dhulalka Shisheye Oo ay Kunool yihiin Waxana Uu Hoos Udhigaa Ruuxa Soomaaliga Ahi Dhulkiisa Halka Uu Kufaani Lahaa Wadanka Geeska Afrika .
Xiligii Soomaaliya Ay Weysay Taliskeedii Dhexe Oo Uu HogaankaUhayay Loo Aayihii Wadaniga Ahaan Ee Jaale Maxamed Siad Bare Waxa Ay Weysay Ruux Wadani Ah Oo Masiirka Umadana Jaheeyo Soomaliyana Waxa ay Hore U Ahayd Wadan Geeska Afrika Kuyaal Hadana Dheeman Dhax Ceegaago Balse Bur Burkii Kadib Waxa dalka kadhacay Jaantaa Rogan Iyo halkeebaan Wajiga Saaraa Waxa Aysana Dadku Ogeyn In Xiligii Siad Bare Hantidii Dalkeena Taalay Wali Ay Ku Aasan Tahay Oo Un Laweysan Yahay Maskax Fiyoow Oo Dadka Uga Faa.iideysa .
Ruuxa Soomaaliga Ah Maanta Waxa Uu Kufaanaa Dawarsiga Shisheye Isaga Oo An Qadarin Siineyn Dhulkiisa Hooyo Ee Soomaaliya ,
Dulucada Warkega Oo Ah Soomaali shaqo shisheye karaadshay iyo shisheeye isaguba shaqo doon ah . Ayaan Jeclaan Lahaa Mawduucaas in Aan Gudo Galo
Caasimada Soomaaliya Ee Muqdisho Waxa Kusugan Ajaanib Fara Badan Oo Iyagu Soo Dib Mareeyay Dadkii Lahaa Dalka Somaliya Kuwaa Oo Kuyaacay Dunida Inteeda Kale Iyaga Oo Shaqa Raadis Ah Halka Iyagana Ay Kuqadsan Yihiin Shaqada Ajaanibtu Kawado Gudaha Dalkeena Hooyo Ee Soomaaliya .
Eeraborka Iyo Dekada Muqdisho Waxa Ay Ubadan Yihiin Dadka Kahawl Galaahi Shisheeye Kafaa.iideysanyo Dad Dalkodii Dayacay Shaqo Ay Katageen.
Shaqada Ugu Badan Ee Ruuxa Soomaliga Ahi Uu Dunida uu ushaqa Tagay Kaqabto Ayaa Ah Mid Astaama Badan Leh Oo ay Kujiraan Kuwa In Laga Faano Ay Ahayd Maadaama Dal Qani Ah Aan Kasoo Jeedno Shaqooyinkaas Carabka Hadaan Kudhufto Waxa Kamid Ah Dhaqadi gawaarida halka Inaga Naloo Dhaqi Jiray Iyo Uqubeynta Habarha Cajiska ah Ee Dalkoodii Shaqada Ceynkaas Ah In Laga Qabto Iyo Kuwa Kasii Liito Ay Soomaalidu U Aado Iyaga Oo Awoodo Maalin Galin Ay kusameyaan Muraayadoodii Muqdisho Oo Maanka kajiran
Hadaba Waa Su,ale Soomaali shaqo shisheye karaadshay iyo shisheeye isaguba shaqo doon ah .Yaa Faa.iidadu Minankiisa Taalaa
W/Q Wariye Maxamed Ciise Xasan (Koonaa)
Afeef: Aragtida qoraalkaan waxa ay gaar ku tahay qoraaga ee maaha mid ay qabto allsomalia.com





