Dalkeena somalia wa dal qani ah waa dal isku heley waxyaabo badan oo aan aduunka la heli karin ama dhif dhif .ah haduuba jiro dal intaas isku haysta ,balse nasiib daro waxey ka hooseeyaan dadkeenu,dad aan intaas laheyn,,Marka aan qiimeeyo bur waaqada dhextaal dalkeena waxaa igu soo dhacda xigmad somaliyeed oo laheyd kabo tole ka kaba la.a ,micnaha ninka asagu kabaha sameeya ee xirfada uleh mar walba waxaa la arkaa asagoo kab go,an iyo mid duruf ah ama baaba,a ah wata
Guud ahaan somalida meel kasta oo ey joogaan iyo dalad kastoo ey ku hoos jiraanba , waxey ka koobanyihiin hal qowmiyad, oo leh hal af , iyo haldiin, waxey kaloo u kala baxaan shan qoys ama shan qabiil oo qura , dalkooduna wuxuu leeyahay shan qeyraad oo hadii laga faa,ideysto halka mid ah uu dhamaantood kaafin karo,halka dunida laga la,yahay dal sidaas ula mid ah ,dadkoodu waa wax aan sidaas uga badneyn 10 million, aduunkaas qaar kiis waliba dariskeena ayaa laga helayaa wax ka badan 70 million oo toboneeyo. qowmiyad ah tobanaan af ku kala hadlaya tobanaan caqiido kala aaminsan, hadana isku weel ah oo wax isku fahansan,
Somalia qeyraadkeeda oo aan ku sheegey shan qeybood (1) kaluunka,(2)xoolaha nool(3)beeraha(4)shidaalka(5)macdanta,,qeybaha ,ayagu ey kala sheegtaana waa shan qoys, sida ,(1)hawiye(2)daa,rood(3)dir(4)digiliyo mirifle(5) beela shanaad loo gu yeero, oo ah beesha lambarka shanaad ah, sidoo kale somalidu waa toban milyan hadii labo loo qeybiyo waxey noqoneysaa in halkii qeyraadba ey ka faa,ideysan karaan 2 milyan oo Somali ah nasiib daro somalidu waxey indha ka saabteen faa,idooyinkaas ilaahay sida gaarka ah ugu maneysatay waxeyna had iyo jeer indhaha ku hayaan isdilkooda iyo kala aarsigooda
Hadii malayiin ku kala duwan dhankasta ey dan guud ku midoobeen maxaan anagu isku dilaynaa? Anagoo shan qeybood wadagna,(1)haldiin(2)hal qowmiyad(3)hal luqad(4) hal dhaqan(5)iyo hal midab nasiib daro intaas oo faa,ido ah waxaan ka nahay manta ceyr dadkeenu waxey xeryaha qaxootiga u fadhiyaan galay cagaar laga soo aruuriyey dad aan waxba dheereyn balse dantooda ku midoobay, gudaha inta joogta waxey feyl ugu jiraan kaalmooyin kaniisadaha aduunka laga soo aruuriyey. Oo ey keenayan hay ado dalaaliin, ka ah , majirto maanta gobol si buuxda uga faa,ideysan kara qeyraadkiisa dadkeenu waa wada dibad sugayaal, qof kastana wuxuu ku taamayaa in uu maalin uun banaanka u baxo.fiiri dhalinyarada maalinkasta tahriibka ugu dhimata badaha iyo saxaraha , fiiri kuwa inta jiiray dhibatooyinkaas hadana faraha laga qaaday e martida u ah kaniisado iyo mel aan munaasib aheyn,
Dhibkaas intaas la,eg waxa noo horeseeday waa qabyaalada, qabyaaladuna sida aan kawada dharagnay malahan xad iyo meel u go,an waa baabuur aan bareeg laheyn oo buundo laga soo daayey, waayo bal fiiri magaalo kasta iyo gobolkasta waa ey kala qeybisay, hadii ey sida ey shegteen somalidu shantii qabiil ee markii hore ey isku kal saareen ey ku ekaan lahaayen waa dhaami laheyd sidaan , balse xeerkeeda ayaa ah in ey ugudubta ilaa mel hoose ,ilaa ey ka dhigto mid dhamaan burburisay danaha guud,
matalan virus HIV, ga ,jirka tartiib. ayuu ugalaa ilaa uu u gudbo unugyada difaaca isla markaana uu damiyo dhaman furayaasha difaaca. jirka , hadaba waxaa cad in qabyaaladu ey taas kadaran tahay, marka hore hal hal qabiil ayey kala sheegtaan kadib waxaa arkeysaa ayagoo degmo iyo xataa guri guri ukala qeybsamay, tusaale cad fiiri degmada aad joogtid ama aad joogi jirtay sida ey jufo jufo iyo wax aan dantooda aheyn isugu qeybiyaan!! Arag xataa somaliland oo dowlad iska dhigi jirtay maanta in ey hargeysa lixsaac xabad ka dhacdo waxa sababay waa qabyaalad, midtaas lamid ahna wey ka dhacdaa meel kasta oo dalkeena ah,
Fiiri qurbaha waxey isu qeybiyaan jaaliyado reer hebel intii ey oran lahaayeen jaaliyada somaliyeed, waxaa arkeysaa T.V soo tabinayo shir dad somali ah ku yeesheen dibada oo dadkaasna ey qaab somalinimo, kamaaran ah u dhaqmaayaan , agayoo leh jaaliyada. reer hebel ama dhahayaan aqoonyahan, dhaqatiirta, dhalinta, iyo noockasta ee jaal;iyada beeshaaas ee ku nool wadan hebel, war goormee beel dhan dibada u guurtay , yaab , intii ey israasan lahaayeen ayey sidaas u dhaqmayaan,
aan is weydiinee 20 sano qabyaaladaan soo wadnay, beeshee guul ka sheegan karta teese laga tirtiray dalka ?!! maya weeye jawaabtu balse waxaa uu galaaftay, nolosha, wiilal somaliyeed oo dal iyo diinba anfici lahaa ,,hadii la ogaaday dhibkaas maxaan ugu dhagnahay maan isku tanaasulno ?
Ugu dambeyn dadkeenow dal waa heysatiine dibad uyaaca daaya, diirimaad cimilo haka dooran baraf,,dowladnimo rasmiya haka dooran dil, ha.u doodin waligaa dal kaloo uhoyatiyo duul aadan dhalin uduganshanskiis
W/Q Hassan Hussein Ahmed, xasan75@hotmail.co.uk
Afeef: Aragtida qoraalkaan waxa ay gaar ku tahay qoraaga ee maaha mid ay qabto allsomalia.com





