Shamso Food oo Min Guurisay Hees ay Horay u Qaadeen Axmad Naaji iyo Faadumo Qaasim

Shamsa Maxamed Food ayaa soo qaaday mid ka mid ah heesihii ku jiray Riwaayadii Socdaal iyo Sir Jaceyl oo ay ku luuqeynayeen Ustaad Axmad Naaji Sacad iyo AUN Faadumo Qaasim Hilowle Faynuustii fanka.

Fannaanada hada soo baxday ee Shamsa Food ayaa sheegatay iney iyadu sameysay Miraha iyo Laxanka, taasoo waji gabax ku noqotay markii baaris dheer la sameeyay lasoo helay Orijinalka Heesta oo cod ahaan u keydsaneyd.

 

Miraha Orijinalka Heesta ku jira ayaa waxaa ka mid ah ” Waxa uurkeey ku yaal aan kuu akhbaaraa ubad oo dhaloo kalaan il-xummaan kaaga dhowraa, ii imaaw ii imaawee” halka Shamso Food ay qaar erayada ay ka badashay, waxaana kula luuqeynaya Fu’aad Cadde, iyadoo Muusikada ay saareen Maxamed Karaama iyo Xasan Cujeer, walow Maxamed Karaama ay ka hoos baxsan tahay in heestani laxankeeda iyo miraheeda ay tahay mid ay horay u qaatay Hooyadiis iyo Axmad Naaji.

 

 

Miraha iyo Laxanka Heesta ayaa aad isugu dhow, waxayna Shamso Food horay u soo saartay dhowr Heesood oo Xamari ah kuwaasi oo qaarkood muran badan uu ka taagan yahay.

 

 

 

 

Fanka Soomaaliyeed ee mudooyinkan danbe soo baxay wax cusub kuma ahan in la minguuriyo heesaha qadiimiga ah ee fannaaniinta cusub is leeyihiin ma keydsana, kuwaasoo muran badan iyo fadeexo kala kulma marka ay soo saaraan.

Halkan ka daawo ama ka dhageyso Orijinalka Heesta.

 

 

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in ARRIMAHA BULSHADA, MAAWEELO, SHEEKO, SUUGAANTA. Bookmark the permalink.

Comments are closed.