Xarakada Shabaab ayaa sheegay inay weerarkii ay ku qaadeen magaalada Janaale ay ku dileen ciidamo badan oo ka tirsan Amisom iyo Dowlada Soomaaliya.
Dagaal dhinacyo badan ayaa dagaalyahanada shabaab waxa ay ku qaadeen fariisimo ciidamada Amisom kuwa Dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin magaalada Janaale.
Sida uu warbaahinta usheegay afhayeenka dhanka dagaalada ee Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab dagaalka ka dhacay deegaanka Janaale ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa waxaa ku gacan sareeya Al-Shabaab.
Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaalka ay ku qaaden afaafka hore ee magaalada ay dhibaato badan ugu geysten ciidamada isgarabsanaya waxuuna intaasi ku daran in ciidamada Amisom ay gudaha ugu galeen xarumahooda taasina ay keentay inay madaafiic isla dhacaan ciidamada Amisom.
Dagaalka ka dhacay Janaale ayaan la xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay ka sokoow guulaha ay labada dhinac kala sheeganayaan.





