Qiso Naxdin Leh oo Ka Dhacday Magaalada Mombasa.

Magaalada Mombasa ee Caasimadda labaad dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacday dhacdo ay aad uga caroodeen Muslimiinta ku dhaqan Gobalkan gaar ahaan Soomaalida kadib markii laba Nin oo Kenyaan ah ay kufsadeen gabar 4-sano jir Soomaali ah, kadibna dilay

Ciidamada booliska Mombasa ayaa gacanta ku soo dhigay mid kamid ah labadii Nin ee geystay falkii wuxushnimada ahaa isagoo iminkaba ku jira Saldhiga dhexe maalmaha soo socdana Maxkamad la soo taagi doono, waxaa isna sida Warka nagu soo gaaraya baxsaday Ninkii labaad ee isna dhacdadan qeybta ka’ahaa waxeyna booliska wacad ku mareen ineysan ka hari doonin oo ay soo qaban doonaan.

Aabaha dhalay Gabadha falkan gurracan loo geystay oo lagu magacaabo Bishaar Cabdi ayaa mar uu warfidiyeenada kula hadlayay Mombasa ayaa sheegay in gabadha la kufsaday xalay maqribkii, ayna ka heleen meydkeeda meel ku dhow Hotel ay degenaayeen.

“‘Gabadhu waxey aheyd Afar jir, xilli Maqrib ah ayey arrintan dhacday, waxaa meydka gabadha laga helay agagaarka Hotelka”ayuu yiri Bishaar Cabdi.

Mar wax laga weydiiyay iney jiraan Dad loo soo qab qabtay arinkan ayuu ku gaabsaday in Booliska ay wadaan baaritano xoog leh, isla markaana uu ka war sugayo wixii ka soo baxa baaritaanada socda

Si kastaba ha’ahaatee Soomaalida ku dhaqan Mombasa ayaa aad u hadal haya dhacdadan foosha xun iyagoona walaac xoog leh ka muujinaya falalka noocaan oo kale ah oo marar badan ku soo noq noqday Mombasa, waxeyna laba labo saddex saddex isu weydiinayaan waxa koos gareyn kara arimaha noocaan oo kale ah iyo sida looga gaashaaman karo.

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in ARRIMAHA BULSHADA, wararka maanta, Warka Soomaali [news]. Bookmark the permalink.

One Response to Qiso Naxdin Leh oo Ka Dhacday Magaalada Mombasa.

  1. kismaayo says:

    Fanaaniinta waan ognahay waxa ay yihiin khaas ahaan kuwa Somalida Dambe ma’aha wax ceeb ah in hees hore la casrioyeeyo wadankoo fiican bay jirtay bal eek Sulfa waa nin aad heesihiisa loo jecel yahay dhamaan waxaa iska fanaaniin kale isma cayaan markaa Jabra fanaanka sharaftiisa wax ha u dhimin aniga ma arag fanaan hees hore uu qaaday lagu af lagaadeynaayo markaa fanaaniinta waa dad is jecel isu dulqaato aan qabiil laheyn aan is caayin isla markaana is jecel ee Jabrow dhaqanka fanaaniinta baro waa dad cuqdo laheyn markaa waxaad qoreyso fiiri oo meel ha ooga dhicin fanaanka aan jecel nahay codkiisa iyo ciyaartiisa iyo istiiliohiisa haddaad ka maseersan tahayna isdaji.
    thanks kismaayo77@yahoo .com