Wararka naga soo gaaraayo maamulka Somaliland ayaa sheegaayo in labada maamul ee puntland iyo Somaliland uu soo kala dhexgalay qilaaf kii ugu xooganaa ee ebed soo kala dhexgala labadaas maamul.
Maamulka Puntland ayaa canbaaraysay waxay ku tilmaamtaya gardarro qaawan iyo dhulbalaarsi maamulka Somaliland ku soo qaaday qaybo ka mid ah dhulka Puntland,iyadoo sheegtay inay gudaha u soo galeen ciidamadoodu deegaano hor leh.
Eng.Maxamuud Caydiid Dirir oo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Garawe ee xarun ah maamulka Puntland Isniinta maanta ah ayaa in uu Somaliland uga digayo faragelinta ay wadaan,wuxuuna sheegay inaysan Puntland u dulqaadanayn dhulbalaarsiga ay wadaan.
Maamulka Somaliland ayaa Todabaadkani ciidamo keenay degaano ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag,waxayna dadka deegaanadaasi ay doonayaan inay ka qaybqataan doorashada golayaasha deegaanka Somaliland dadka dagan gobaladasi ayaa lagu soo waramayaa in ay ka soo horjeedan maamulka Somaliland.
wixii ku soo kordha kala Soco Allsomalia.com





