Wararka naga soo garaya xiryaha qoxotiga Kenya ayaa sheegaya ugu yaraan labo qof ayaa geeriyootay tiro kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii xalay bam gacmeed lagu tuuro goob maqaayad ah oo ku taalo xerada Dhadhaab.
Dad goob joogayaal ayaa sheegay in dadka bamka lagu tuuray ay ahaayeen rag ku sugnaa goob Biibito oo lagu qayilo ama khat ay ku cunayeen.
Taliyaha ciidamada xerada Dhadhaab Albert Kimathi ayaa sheegay in labo kamid ah raggii goobta ku qayilayay ay geeriyoodeen iyadoo raggii qaraxa gaystay ay ka baxsadeen goobta oo aan gacanta lagu dhigin.
Xerada Dhadhaab oo ah xerada ugu weyn ee qaxooti caalamka ayaa waxaa ku nool ku dhawad 500 kun qaxooti oo u badan somalia kuwaas oo ka cararay dagaalo ka dhacay somalia kuwaas oo u dhaxeeyay dowladda iyo AL Shabab.
Dowladda Kenya ayaa la kulmayso weeraro,qaraxyo,dilal iyo afduub tan iyo markii ay gudaha u gashay dalka somalia bishii October 2011 waxana ay ugu dambeyn dagaal sanad qaaday ay la gashay AL SHabab kala wareegtay magalada Muhiimka ah ee Kismaayo






