Magaalada Nayroobi oo ay Soomaali badan ku leedahay ganacsi ballaaran ayaa laga soo sheegayaa handadaad, boob iyo hagardaamooyin ay shacabka iyo dowladda Kenyaba ku hayaan ganacsigaas xalaasha ah ee bixiya canshuurta ku waajibtay ee heer deegaan iyo tan heer qaran labadaba.
Haddaba, waxay ila noqotay in aan ka hadlo tabaalaha haysta iyo tacaddiga lagula kaco Soomaalida Nayroobi iyo abaalka aan looga hayn shaqooyinka ay u abuureen kummanaanka Keenyaanka ah ee ka xoogsada goobaha ganacsi ee Soomaalida iyo weliba canshuurta ay bixiyaan, taas oo I xusuusisay heestii kooxda Heegan ee
Heybad Waxaad ku Leedahay Dalkaaga Hooyo
Waana lama Huraane Hagar li’I Wax ugu Qabo
Sidaas awgeed, maalgashiga Nayroobi Muqdishaa ka Mudan
Taariikhda Labada Caasimadood
Xilligii bililiqada Afrika ay xawliga ku socotay ayuu Ingiriiskii berigaas dhistay waddo tareen oo isku xirta Kambala iyo Mombasa oo deked ahayd si uu uga dhoofsado kheyraadkii Afrika. 1899kii ayuu boosteejo tareen oo bakhaarro leh ka sameeyey Ingiriisku meesha hadda looyaqaanno Nairoobi oo xilligaas ahayd keyn Masaygu xoolaha ku raacdaan. In ka yar toban sano gudahood, horraantii qarnigii na dhaafay ee 20aad ayeey dad badan soo degeen agagaarka bakhaarradii Ingiriisku dhistay si ay shaqooyin uga helaan.
Haddaan barbardhigo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho magaalada faca yar ee Nayroobi, Muqdisho waxay jirtay in ka badan kun sano waxaana wax ka qoray qoraayo fara badan oo aan tusaale uga soo qaadan karno qoraaga Ibn Batuta oo ahaa socdaa qoraa ah oo u dhashay reer Marooko kaas oo 1331kii Muqdisho yimid si weynna uga sheekeeyey sidii loo marti sooray iyo sidii weliba ay magaalada Muqdisho u tiillay, wixii laga cuni jiray, xaddaaraddii tiillay iyo ganacsigii ay la lahayd caalamkaba http://courses.wcupa.edu/jones/his311/lectures/16battut.htm).
Xaddaaradda iyo khibradda ganacsi ee Muqdisho ma jirto magaalo la barbar dhigi karo oo ku taalla geeska Afrika, iska daa Nayroobi ee xitaa Addis Ababa ayaa iyadu ah mid ay unugtay marwadii boqor Mililkgii 2aad Taytu Betul mar hadda laga joogo 126 sano, waa sannadkii 1886dii.
Sidaas awgeed, ma ahayn qarniga 21 aad in shacab iyo ganacsato Soomaaliyeed lagu dhibaateeyo Nayroobi oo ay gaarsiiyeen ilbaxnimo iyo aqoon ganacsi oo ay Keenyaan badani uga xoroobeen Eeshiyaankii ganacsiga waddankooda monoboliga ku haystay.
Dowladda Soomaaliya
Dowladda Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa in ay la timaado qorshe saamaxaaya in ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhibban guud ahaan Afrika gaar ahaan Nayroobi ay ugu soo wareegaan Muqdisho oo ay noqoto sidii ay beri ahaan jirtay oo ah rug ganacsiyeedka ugu weyn bariga Afrika. Dowladduna ay canshuur ka hesho, shacabkuna shaqooyin.
Qorshaha siyaasadeed waa inuu sal u ahaadaa wax qabad ka madaxbannaaan nin tooxsi iyo qabyaalad oo uu ku qotomaa karti, aqoon iyo dimoqraadiyad saamaxaysa in kan kartida iyo aqoonta lihi maamulka Muqdisho qabtaa, oo ay caasimaddu heshaa maamul aan la magacaabin balse la doortay.
Dadka reerka Muqdisho waxay deris la noqdeen caddaalad daro iyo musuqmaasuq ay ku sammeyn jireen dowladihii hore, waayo reer Muqdisho marna fursad uma aysan helin in ay ka tashadaan aayahooda balse, tan iyo qaranjabkii Soomaaliya waxaa magacaaba maamulka Banaadir hadba dowladdii timaada iyadoo dhammaan gobollada kale ee dalku u madaxbannaanyihiin in ay doortaan mas’uuliyiintooda.
Hotellada dowladda, bacadleyaasha, suuqyada iwm waa in si miyir leh loogu wareejiyaa ganacsatada xalaasha ah ee Soomaaliyeed iyadoo sharci iyo shuruudo qayaxan loo maraayo.
Gunaanad, waxaan qabaa in ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed ee lagu dhibaateeyo daafaha Afrika ay ka reysan lahaayeen dacdarrada ku haysata goobahaas, dowladda Soomaaliyeedna ay canshuur wax ku ool ah ka heli lahayd, Soomaalidana shaqooyin haddii qorshe dhaqaale siyaasadeed aqoon ku qotoma loo sammeeyo maamul gobolka Banaadir yeesho oo madaxdiisu u tartamaan lana doorto.
WD:-Cabdulqaadir Yacquub Faarax
yaqub7@msn.com
Afeef: Aragtida qoraalkaan waxa ay gaar ku tahay qoraaga ee maaha mid ay qabto allsomalia.com





