Nani oo aay Suurtogal Tahay inuu Boorsadiisa ka Qaato Manchester United

Laacibka weerarka uga cayaar Manchester United Nani ayey u muuqataa in uu dhamaaday waqtigiisii Manchester United iyada oo aad loo filayo inuu Suuqa yaalo dhamaadka xagaagan.

Nani ayaa aad u doonayey in uu cayaaro kulankii Real Madrid iyo Manchester United balse si uu u tuso sida uu muhiimka ugu yahay Manchester United. Balse nasiid darro ma aaysan dhicin taas oo laacibku kursiga kaydka ayuu ku dhameystay waqtigiisii.

Nani ayaa hada hoos u dhac aad u weyn aay ku tahay inuu iska sii fadhiyo kursiga kaydka, hoos u dhacaas oo aay ka mid tahay mid dhaqaale iyo niyadeed iyo qaab cayaareedkiisa intaba.

Hadaba laacibka oo qandaraaskiisu uu ka harsan yahay hal sano oo kaliya ayey aad ugu dhaw dahay inuu isaga tago naadiga Manchester United si uu wada toos ugu furo laacibka isna dhawaan kusoo biiri doona Manchester United Wilfried Zaha kaas oo inta ka dhiman la sii joogi doona naadigiisii hore ee Crystal Palace.

Inkastoo sanadkii hore laacibka aay soo dalabtay naadiga ka dhisan horyaalka Ruushka ee Zenit balse laacibka ayey suurto galtahay inuu ku biiri horyaalka Spain ama Portugal.

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in CAYAARAHA, Sports. Bookmark the permalink.

Comments are closed.