Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Doonaya Inaay Dalkooda Dib ugu Laabtaan oo ku Xayiran Dalka South afrika

muwaadiniintan oo doonaya in ay dalkoodi hooyo dib ugu laabtaan ayaa loo diiday in ay ka duulaan garoomada dalkani south afrika kadib markii waaxda socdaalka ay xayiraad dhanka go-home ka ay ku soo rogtay in aysan kaga duuli karin dalkani.
muwadainiintaan ayaa magaalooyinka ku xayiran mudo bil ah iyagoo la ogyahay in ay soomaalida dalkani ku nool ay badan kood yihiin kuwo xoogsato ah oo ka xamaasha meelaha tuulooyinka ah .
mar aan maanta tagay Goobaha ay soomaalida go home-ka ka jaran jirtay ayaa waxaa halkaasi kula kulmay dhalinyaro badan oo ku xayiran dalkaan kuwaas oo ii sheegay in ay magaaladaan ku xayiran yihiin isla markaasna ay doonayaan in ay dalkooda dib ugu laabtaan.
c/qaasim macalin saciid waxa uu ka mid yahay dhalinyarada Doonaysa in ay dalkoodi dib ugu labtaan balse laga soo celiyay madaarka johansburg kaasoo loo sheegay in uusan ku socdaali karin waxa loo yaqaan go-home ka “waxaan soo iibsaday dukaan keeyga waxaana ku talagalay in aan wadankeeyga hooyo ku laabto oo aan halkaas ganacsi ka bilaabo maadaama uu dalkeeygi hooyo hada nabdoobay hase ahaatee waxaa la ii diiday in aan ku socdaalo go home ka oo aan dib ugu laabto dalkeeyga ” sidaa waxaa yiri c/qaasim oo ka mid ah dadka loo diiday in ay go-home kaga baxaan dalkani south afrika.
soomalaida dalkani south afrika ku nooleyd ayaa hada bilaabay in ay dalkoodi dib ugu labataan iyadoo la ogyahay in soomaalida wadankaan loogu gesto dhibaatooyin isugu jira dil,boob,kufsi iyo caga jugleyn joogta ah ayaa hada tani waxaay ku sii nqoneeysaa dhibaato kale oo kus oo korortay in go-hom kii loo diido kaasoo ay awalba dalkani ay oga dhoofi jireen si ay ugu laabtaan dalkoodii.
waxayna dowlada soomaaliya iyo dowlada south afrikaba ka codsadeen in loo fududeeyo sidii ay dalkoodi hooyo dib ugu labaan lahayeen.

www.allsomalia.com.
Idiris shiiq axmed guure (idiris Wadani)
johansburg South afrika

 

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in Wararka Maanta, wararka maanta, Warka Soomaali [news]. Bookmark the permalink.

Comments are closed.