Maxkamad ku Taalla Dalka Malawi oo Xukun ku Riday Muwaadiniin Soomaali ah

Maxkamadku taala dalka Malaawi ayaa xukun ku riday muwaadiniin Soomaali ah kuwaasi oo lagu eedeeyay inay sharci daro ku galeen dalkaasi.

Maxkamada Mzuzu ee caasimada dalkaasi ayaa muwaadiniinta Soomaalida ah waxa ay ku xukuntay 25,000 oo lacagta dalkaasi ah kuwaasi oo lagu eedeeyay inay qaab sharcidaro ah ay kusoo galeen dalkaasi.

 

Booliska dalkaasi ee ku sugan waqooyiga caasimada Mzuzu ayaa la sheegay inay gacanta kusoo dhigeen muhaajiriintaan Soomaali ah kuwaasi oo la sheegay inay doonayeen inay gudaha u galaan dalka Malawi.

Madaxa xafiiska xiriirka caalamiga ee saldhiga caasimada Malawi, Chapola ayaa wuxuu u sheegay wargeyska Nyasa Times ee kasoo baxa dalkaasi iyo lacagta ganaaxa ee la duldhigay muhaajiriinta Soomaalida ay bilow u tahay calaamadeynta ololaha ka dhanka ah soo galootiga sharci darada ah ee dalkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ilaalada ammaanka ee duleedka caasimada Mzuzu ayaa sheegay in dadka sida sharci darada u galaya dalkaasi ay qeyb ka yihiin waxyaabaha horseedi kara amni darada dalkaasi.

Dhanka kale dadka muhaajiriinta ah ee lagu qabtay dalkaasi Malawi ayaa la sheegay inay ku jiraan dad Ethiopian kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ka qeyb qaateen xaalufinta dhirta.

Lama kala cadeyn tirada rasmiga ah ee Soomaalida kuwaasi oo lagu xukumay dalkaasi.

 

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in Wararka Maanta, wararka maanta, Warka Soomaali [news]. Bookmark the permalink.

Comments are closed.