Maxaa Xariir ah oo Ka Dhaxeeya Suugaanta iyo Jaceylka ?(Hadaba Wax badan Ka Ogow)

Jaceylka marka laga faaloonayo inta badan xeel dheerayaashu waxay adeegsadaan erayo macaan oo ka turjuma waxtarka dhibaatada iyo is beddellada jaceylka, waxaana lagu muransaneyn in abwaannada caalamka yihiin kuwa ugu dhow qeexidda jaeyka iyagoo u adeegsada suugaanta iyo hal abuuro kookooban, isla markaana akhristuhu ama dhageystuhu madaxa uu lulo, marka dhagahiisa ay ku soo dhacaan abwaannadeena Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala geddisan uga hadlay jaceylka, inta badan dadka jaceylka ka dhexeeya waxa ay hal heys ka dhigtaan heesaha jaceylka ee ka soo maaxda abwaannada somaaliyeed halka ay ka isticmaali lahaayeen weero ay iyagu sameysteen, waayo hdib dhib kasta ama dheef kasta uu jaceylku sababo horay ayaa abwaan ugu cabbiray suugaantiisa oo waxaa tusaale kuu noqon kara marka adiga akhristaha ah aad is weydiiso waxa uu yahay jaceyl, miyeysan kugu soo dhaceynin erayadii abwaanka Soomaaliyeed ee ahaa: (Waa macaan ama waa qaraar kolba waa sida uu kugu soo maree) haddiise jawaabtaadu sidaa noqoto sow ma rumeysneyd in abwaanku haleelay waxa ugu fudud ee lagu tilmaami karo jaceyl. Dhanka kale haddii jawaabta aad ka shakisid isla markaasna nafsaddaadu diido inay abwaanka ku mowqif noqoto miyeysan misna jawaabtaadu noqoneynin erayadii kale ee abwaan soomaaliyeed yiri (Cishqigu ma dab baa, ma daruur da’daa, ma daad ku qaadoo, badda kugu daraa), taasi oo muujineysa in jawaab rasmi ah aadan u haynin su’aashii aheyd waxa uu jaceyl yahay, haddii aadan illowsaneyn erayadii kale ee oraneysay (jaceyl waa dhibaatoo waa dhimbil daboo, ku dhegaaya halistee), si kastaba arrintu ha ahaatee waxaa jira xiriirro toos ah oo ka dhexeeya jaceylka iyo suugaanta taasi oo aad ka dheehan karto hor dhaca qormadeenaan, sidoo kale waxaa jira xiriirro aan toos aheyn oo ka dhexeeya suugaanta iyo jaceylka sida hal ku dhegyada dadweynaha caadiga ah u adeegsadaan jaceylka oo macnaheedu tahay erayo qofku iska adeegsada marka uu ka warbixinayo saameynta iyo sifaha jaceylka.

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in SUUGAANTA. Bookmark the permalink.

Comments are closed.