Maxaa Kalahaysta Dhafarka Badan iyo Dhalinta Nairobi!!!!!. Warbixin

Dhalin yaradu waa ubaxa wadan kasta uu sugayo oo usoo koraya sidoo kalena dhalinyaradu waa dad maskaxdoodu cusubtahay oo aayaha danbe ee naftooda, dadkooda iyo dalkoodaba isbedel ukeeni kara oo siyaasada, horu marinta iyo nabadda intaba kaalin muhiim ah kaqaadan kara dalkasta iyo dadkastaaba waxa ay kufaanaan waa dhalinyaradooda.

Dhalinyarada soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool magaaladaNairobiee dalkakenyaayaa waxa ay ubadan yihiin dad qax kusoo galay dalkaKenyawakhtiyo kala duwan waxayna aad uga dheregsan yihiin colaadaha aafeeyey wadan koodii hooyo sidoo kalena waxa ay ka warqabaan dhibaatada badan koodu ay qurbaha kala kulmeen iyo dayaca yaala wadan shihseeye.

.jobs

Hadaba dulucda qormadan haddii aan usoo daadego, Dhalinyarada soomaaliyeed ee ku dhafraysa micna darida iyo danla’aanta ayaa waxa aad moodaa sida ay ubadan yihiin in uu kalumay damiirkii, fikirkii iyo wada tashigii ay kaga gudbi lahaayeen mashaqada iyo qaran la’aanta wadan koodii ku habsatay , sababta oo ah dhalinyaradu waa dadka loo baahanyahay in ay isbedel ukeenaan dalkooda iyo dadkoodba, balse waxaa wax lala yaabo ah in dhalinyaradeenii soomaaliyeed aysanba ku hamiyayn in ay isbedel ku soo kordhiyaan wadan kooda hooyo.

Intii ay ka fekeraan aayahooda danbe iyo aayatiinka wadan kooda ayaaba ayagii lamashquuliyey, waayo jaad, tv,  MSN iyo facebook ayay danahoodii iyo wakhtigoodii qaaliga ahaa ku lumiyeen, Awel waxaa la arki jirtay dadka Jaad-ka (Qaadka)cunna oo keliya ayaa habeen oo dhan soo jeedi jiray oo ku dhafri jiray qayilaadda, balse haatan waaba lagadaran yahay Qaad-kii oo wax kadaran ayaa yimid waayo hada waxaad arkaysaa wiilka ama gabadha dhalinyarada ah oo fiidkii oo dhan TV daawashadiis ku mashquulsan oo marka lagaadho xiliga hurdada labilaabayaa in wada sheekaysi ay ka galaan computer, lap-tope ama mobile.

Online-ka labilaabo11:00pm ayaa waxalaga yaabaa in ay kusoo gaadhaan salaada subax marka la adimo kadibna ay salaada boobsiis ku tukadaan qofkii Illaahay solansiiyo, wakhtigaas kadib ayaa habeenimo ubilabanaysaa qofkii caawa oo dhan soojeeday, cajiib!!!!!!!!! Waxaan maqli jiray marka insiga ay qoraxdu usoo baxdo ayaa shaydaan kana ay qoraxdu udhacdaa, Marka aad maqasho qoraxdii way soo baxday waxa maskaxdada kusoo dhacaya waxyaabo fara badan oo aanla sookoobi karin oo ay ka midyihiin shaqo, waxbarasho, nasasho iyo hawlo aduun oo dhan oo lagu yaqaan nolosha bini Aadam-ka kuwaas Rabbi (S.W.T) ugu talagalay umadiisa,

Dhibaatada ugu badan ee lagu dhafrayo ayaa waxa keenay mo

bile-ka iyo shirkada Safaricom ee magaalada Nairobi oo ufududaysay in qof kastata uu si sahlan net-ka uga isticmaallo mobile-kiisa haduu ahaanlahaa WEB-SITE, MSN, HOTMAIL, FACEBOOK, iyo kuwo kaleba isaga oo aan qarash badanni kaga baxayn meella uusan u aadayn oo gurigiisa fadhiya in uu halkaas ka adeegsanayaa taas oo kenaysa in qofku 12-ka habeenkii oo dhan uu soo jeedo oo shukaansi iyo sheeko uu ku jiro, isagoo dhafarka badan kala kulmaya caafimaad daro, caajis badan, fikir la’aan, camalkiisii oo uusan qofku qabsanayn ileen waa qof maalintii oodhan hurdee goormuu wax qabsadaa?.

dhibaatada dhafarka badan hadii aan tusaale usoo qaato gabadh soomaaliyeed oo kunool magaalada Nairobi gaar ahaan xafada islii oo aad u isticmaasha daawashada tv-ga gaar ahaan zee-tv iyo internet-ka ayaan ka waraystay dhibkay kala kulantay waxayna tiri (waxaan daawan jiray chanal-ka la dhoho zee-tv oo 6:00-da maqribkii ilaa 12:00-ka habeenkii filimo musasal ah ayaa isu kay dhiidhiibi jiray markaas kadib ayaan internet-ka mobile kayga ka geli jiray ilaa subaxdii kadibna maalintii oo dhan waan hurdi jiray, markii danbe mobile-kii aan internet ka ka geli jiray tuug ayaa iga qaaday tv-giina waa iga gubtay laba habeen markii aan fiidkii seexday salaada subaxna aan soo kacay ayaan ogaaday dhibaatada dhafarka badan oo waxaan karaystay cajis, indha xanuun xanuun iyo culayskii badnaa ee aan lakulmi jiray markan habeenkii oodhan soo jeedo, hada iskool ayaan galay go’aanna waxaan ku gaaray in aanan dibdanbe udhafrin) miyaysan haboonayn in ay dhilinyaradu ogaadaan in tv-ga uu dad samaystay oo ay doonayan in ay dadka kaga mashquuliyaan hawlahooda iyo wakhtigooda qaaliga ah sidoo kalena internet-ka dad ayaa samaystay oo iyana doonaya in lagu mashquulo anigu ma lihi yaan la isticmaalin balse wax kasta waxaa haboon in laga isticmaalo wax ku anfacaya waxna aan kuu dhibayn.

Waxaa is waydiin mudan dhalinyarada soomaaiyeed gaar ahaan kuwa kunol magaaladaNairobigoormee ayay ka fekerayaan danahooda gaarka ah, aayahooda danbe iyo aayatiinka dalkooda hooyo?

tusaale waxaa inoogu filan calankeena quruxda badan ee 40-sano kahor caalamka laga dhextaagay ayaa waxaa usoo halgamay 13wiil oo dhalinyaro soomaliyeed ah (S.Y.L) maaha in aan ku fekerno oo keliya wadan nabad ah ayaan joogaa e maxaa iga galy wixii is dilaya iyo wixii ladilayo,oo hurdo iyo film wakhtigeena qaaliga ah ku dhamayno, balse aan ku fekerno wadan keenii hooyo oo aan ka talino ayaaheena danbe iyo aayaha dadkeena iyo dalkeena hooyo.

Suleekha Cabdullaahi Xirsi

Nairobi-Kenya

suleekho05@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxa ay gaar ku tahay qoraaga ee maaha mid ay qabto allsomalia.com

zp8497586rq
0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in OPINION. Bookmark the permalink.

Comments are closed.