Muwaadin Waayahaan Waxaa Dhaga Heen Ku Soo Dhacayay Waxaa Wada Hadlayo Labo Dal Ama Laba Gobol Oo Horay U Midoway Oo Kala Ah Somaliya Iyo Somaliland Aqri Qoraalkan Hoose Aan Ku Ee Gayo Maqaal Kooban Aana Ka Qoray Somaliya Iyo Somaliland Ama Koofurta Somaliya Iyo Waqooyiga Somaliya
Xussunoow Su,aalaha Ku Qoran Xaga Hoose Waad Kasoo Jawaabi Kartaa Muwaadin Xaq Ayaad U Leedahay
Dowladii Daakhaliga ee Dalka xornimada-gaarsiineysay, waxaa Madaxweyne ka ahaa:- Md.Cumar Sheegow, oo ka socday xizbigii (HDMS) Xizbiya.
Waxaa Wasiirka kowaad ka ahaa:-Md.C/llaahi Ciise, oo ka socday Xisbigii (SYL) Leego.
Bishii Diseembar (December) 05/1959. Bayaan kasoo baxay Qaramada-midoobay (UN) aay ku cadeyneeyso, in Soomaaliya ay Xornimadeeda qaadandoonto, bisha Luulyo (July) 01/1960.
Midowgii Labadii Gobol ee Waqooyi (Biritish-Somali-land) Koofur (Italian-Somali-Land) Iyo Curashadii (Dhalashadii) Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Xisbiyadii (SNL) Somali National League iyo Xisbigii (USP) United Somali party, ee iyagu ku guuleestay doorashooyinkii ka dhacay Goboladii waqooyi, ee (Somali-land) waxeey iyagana sameeyeen, Gole Shacbi&Gole Wasiiro, in kasta oo ay rabeen Labadaasi Xisbi Lamidoobida (ku darsanka) Gobolka Koofuree, (Italian Somali-land) xornimada ka dib, hadana waxeey ku-kala gedisnaayeen, oo ay isku diidanaayeen goorta & qaabka midnimadaasi u dhaceeysa.
Md. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo ahaa Hogaamiyihii Xizbigii (SNL), wuxuu aaminsanaa in dib loo dhigo, isku-daranka (Midnimada) waqooyi&koonfur, dib-u dhigistaasi wuxuu sabab ugu dhigay madaama aay labada Gobol soo kala Gumeesteen laba Dowladood oo kala siyaasad&maamul gedisan waa:-(Ingiriiska&Talyaaniga ee), waxaa loo baahanyahay in marka hore laga mideeyo dhinacayada siyaasada&maamulka, laakin xizbigii (USP) waxa ay si wadajir ah u aaminsanaayeen in si shuruud la’aan ah la soo dedejiyo isku daranka&midnimada labada Gobol, kadibna ay isla meel dhigaan siyaasada guud ee wadanka lagu maamuli doono.
Waxaa la qabtay doorashooyin qarsoodi oo lagu raadinaayo cidda tirada ugu badan ee Gobolka matali karo, arintaasi waxaa la hordhigay (12) Laba&tobankii nin ee somali legislative council loo soo doortay. (7) Todoba nin, waxeey taageereen Xizbigii (NUF) 4 nin waxeey ahaayeen dhaxdhaxaad nin isna wuxuu taageeray Xizbigii (SNL) Xizbiga (SNL) oo matalaayay Dadyowgii Isaaq, marka laga reebo Habar-toljecel, oo iyaga taageersanaa (NUF) gacanta ayuu ku dhuftay natiijadaasi.
Qabiiladii kale ee deganaa gobolka meeysan laheen Xizbi u gooni ah sida (Dirta&Daaroodka) laakin waxa aay taabacsanaayeen siyaasadii Xizbigii (SYL) Xizbigaas oo isna ku mashquulsanaa arimaha Gobolka oo Koonfureed ee uu Taliyaaniga Gumeeysanaay
Hadaba waxaa is weydiin leh midowgii somaliyeed oo ahaa mid ay isku dareen dad weynihii markaa noolaa jeclaane ineey Somali ay ahaato mid weel wax ku wada cunta leh hal dowlad iyo masuuliyiin wada matala Somali weey midowgii lagu midoo way heshiis ma uusan eheen waxa uu ahaa rabitaanka umada somaliyeed oo ahaa in la wada midoowo lana ahaado Somali ween xiligaane waxaa jiray dad is jecel isna yaqaan hadii ay tahay deegaan iyo qabiil hadii ay tahay somaliya marnaba kama dhamaado qabiil hadii ay noqoto wax qeebsi macamiil wada shaqeen iyo wada deegaan ahaanba.
15 Octobar Waxaa Geeriyooday Naxariistii Jano Alaa Kawaraabiyee Madaxweynihii Soomaliyeed Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke Oo Markaa Socdaal Kujoogay Gobalka Sool Magaala Madaxdiisa Laascaano Waxaana Halkaa Lagu Toogtay Madaxweynihii Soomaliyeed Ku Yimaaday Doorasho Dadweyne Uguna Danbeeyay Madaxweyne Umada Soomaliyeed Ay Soo Doortaan Shan Maalmood Kadib Maxaa Dhacay.
21 october waxaa curtay kacaankii aan ku daadan dhiiga ula jeedkiisana ahaa in dalka uusan galin Qatar siyaasadeed markaana talada waxaa la wareegay.
Taliyihii Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed Markaane Waxaa Ahaa ahaa General Maxamed Siyaad Bare kadibne wsxaa radio muqdisho oo ahaa idaacada ku hadasha Codka Qaranka Jamhuuriyada Somaliyeed ayaa lagu shaaciyay in uu dalka la wareegay kacaanka barakeesnaa waxaana la galay waji cusub ayna hogaaminayeen ciidamda xooga dalka soomaliyeed talada waxa ay ka baxday siyaasiyiinta rayidka ahaa waxaana lasoo dhisay shanta golaha sare ee kaanka soomaliyeed ayna ku jireen dadkii leysku oran jiray Somali.
Kacaanka soomaliyeed uu hogaaminayay general maxamed siyaaadd bare wuxuu dhaliyay wax yaabo badan oo aan haatan halkaan lagu soo koobi Karin laakiin waxaan taaban doonaa qeeybo kamid ah wax qabadkii iyo dhaliilihii kala geeyay somaliweeyn waxaana qeebta labaad ku soo qaadan doonaa maamulkii siyaad bare wax qabadkiisa iyo dhaliilaha ileen majiro masuul aan leheen dhaliiil tacadi ku tumasho xuquuq aadane taariiqduna maahan mid baa bi kart.
Somaliya waxaa haatan ka jiro kala qeeybsi farabadan hadii ay yihiin maamul gobaleedyo iyo gobal donayo ineey haatan go aan somaliya inteeda kala waxaana ka mid ah Somaliland Oo ahaa dal ka mid ah somaliya laakiin gumeeysigii uu kala qeeybiyay somaliweeyn xasuustana ku haay Somaliland waa waxaa uu xurnimada qaatay 26 jun 1960 halka koofurta iyo bartamaha somaliya ayna qaadatay 1 lul 1960 waxaana si wada jir ah loo dhisay somaliweyn ilaa uu talada gacanta ugushay ciidanbka xooga dalka somaliyeed .
1: Waa Maxaay Burburkii Kala Riday Midnimada Somaliya?
2: Kacaankii Somaliya Uu Hogaaminayay General Maxamed Siyaad Bare Malagu Ee Deen Karaa Kala Taga Midnimada Somaliya?
3: Waxaa IsweeyDiin Leh Maxaa Keenay Somaliland Ineey Ka Laabato Midnimada Somaliyeed?
4: Mowqifka Somaliland Oo Ah Gooni Isku Taaga Dal Madax Banaan Ma IsbaDalay Mise Waa Sidiisa ?
5: Wada Hadalka Lafilayo Inuu Dhawaan Bilaawdo Maxaad Ka Rajeeneeysaa Maxaase Ka Wali Waleysaa?
Fadlan Isku Day Inaad Ka Dhiibato Fikir Kaaga Adoo Adeeg Sanayo Caqligaaga Iyo Aqoontaada Ama Taariiqda Aad Ku Maqashay Midowga Somaliyeed Iyo Kala Go A’ Somaliya.
Xussunoow Su,aalaha Ku Qoran Xaga Sare Waad Kasoo Jawaabi Kartaa Muwaadin Xaq Ayaad U Leedahay Adigoo Inoogu Soo Hagaajinaya Cinwaankan.
Afeef: Aragtida qoraalkaan waxa ay gaar ku tahay qoraaga ee maaha mid ay qabto allsomalia.com





