Manchester oo Dhulka Dhigatay Wigan Athletic

manchester

kooxda hogaanka u haysa Premier League ee Manchester United ayaa weli hogaanka kusii hayn doonta 7 dhibcood ka dib markii aay 4-0 kaga badisay naadiga dagaalka adag ugu jira sidii uu kusii joogi lahaa horyaal Premier League ga ee Wigan Athletic.

Daqiiqadii 36 aad ee cayaar ayaa laacibka reer maxico, ee Javier Hernandez, Manchester United u dhaliyey goolkeedii koowaad. Halka 6 daqiiqo ka dib laacibka reer Netherlands Robin van Persie u dhaliyey Manchester goolkii labaad,  qeybtii hore ee cayaarta ayaana ku dhamaatay 2-0.

Qeybtii labaad ee cayaarta daqiiqadeedii 64 aad ayaa J. Hernandez markale Manchester United u dhaliyey goolkiisii labaad ee cyaarta isaga oo cayaarta ka dhigay 3-0. Intaas kuma aaysan ekaanine R. Van Perie ayaa daqiiqadii 88 aad Manchester United u dhaliyey goolkii afaraad. Cayaartaas ayaana ku dhamaatay 4-0.

Kooxda Manchester United ayaa xagaagii hore looga soo badiyey garoonta Wigan Athletic.

Manchester ayaana 49 dhibcood ku hogaamineysa horyaalka halka naadiga kusoo xiga oo kaalinta labaad ku jira ee Manchester City haysto 42 dhibcood. Chelsea ayaa iyana haysata 38 dhibcood waxa aayna haysataa hal kulan oo aaney weli cayaarin. Hadii aay Chelsea kulankaas badiso ayaa waxa aay heli doontaa 41 iyagoo hal dhibac ka hooseyn doona kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Manchester City.

 

GOOS GOOS WIGAN ATHLETIC VS MANCHESTER UNITED

 

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in CAYAARAHA, Sports. Bookmark the permalink.

Comments are closed.