Manchester City oo culeys badan ka hayso cayaartoy badan oo dhaawac uga maqan iyo kuwa kale oo African Cup of Nations ka ku maqan ayaa garoonkeeda Etihad Stadium kusoo dhaweysay kooxda ka cayaarta hortaal championship ka Ingiriiska.
Daqiiqadii 25aad ayaa xiddiga reer Argentine ee C. Tavez kooxdiisa Manchester City u dhiibay hogaanka cayaarta isaga oo u dhaliyey gool aad u qurux badan. Balse isla qeybtii koowaad ee cayaarta daqiiqadeedii 44aad ayaa G. Barry Manchester City hogaankeedii sii adkeeyey isaga oo u dhaliyey goolkeedii labaad, 2-0.
Cayaaryahanka da’da yar ee qadka dhaxe uga cayaara Manchester City Marcos Lopes oo daqiiqadii 87aad beddel ku yimid ayaa cayaarta ka dhigay 3-0 sedex daqiiqo ka dib.






