Madaxweymaha Maamulka Goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo ka hadlay waxyaabaha ka jira Eedeymaha Xukuumadiisa loo jeediyay ayaa waxa uu waxba kamajiraan ku sheegay wararka sheegaya in Xukuumadiisu ay mudo kororsi sharci daro ah dooneyso.
Madaxweyne Faroole ayaa waxa uu wacad ku maray inuu sida ugu haboon ee dadka reer Puntland ay doonayaan uu Xilka u wareejinayo hadii looga Guuleysto Doorashada Madaxweynaha Puntland oo dhawaan ka dhacaysa Magaalada Garoowe ee Caasimada Gobolka Nugaal.
Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ugu dambeyntii ka digay in fowdo lagu sameeyo Doorashada Madaxweyaha Maamulka Puntland isagoo tilmaamay inay jiraan dad si sharci daro ah doonaya inay uga qeybgalaan Doorashadaasi kuwaasi oo uu ku sheegay inay kasoo hor jedaan inay si Cadaalad ku dhamaato Doorashada Madaxweynaha Maamulka Puntland





