Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo Muqdisho ku Qaabilay Hay’adda Usaid America

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa magaalada Muqdisho waxa uu kulan kula qaatay Hay’adda Usaid ee Mareykanka.

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hogaaminayo madaxa Hay’adda USAID ee gargaarka dalka Mareykanka Dr Rajif Shah iyo xubno ka tirsan hay’addaasi.

Markii uu kasoo dagay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay halkaasi kulan kuwada qaateen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.Kulanka oo ay saxaafada banaanka ka taagneed ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa siwadajir ah waxyaabihii la isugu soo hadal qaaday saxaafada warbixin kasiiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dr Rajif Shah.

Dr Rajif Shah oo hadlay ayaa wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ka sameynayaan mashaariic kala duwan oo dhanka beeraha iyo sidoo kale dhalinyarada wax loogu qabanayo si wax soo saarka dalka Soomaaliya looga faa’iideesto.

Wuxuu sidoo kale Dr Rajif Shah sheegay in Soomaaliya ay ugu deeqayaan lacag dhan 20 million oo doolar oo lagu fulinayo mashruucyadaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay inuu aad uga mahadcelinayo booqashada uu Soomaaliya maanta ku yimid Dr Rajif Shah oo ah madaxa Hay’adda USAID ee dalka Mareykanka.

Sidoo kale wuxuu ka mahadceliyay deeqda ay Soomaaliya ugu deeqeen taasi oo ku tilmaamay mid muujinaysa sida ay ugarab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Dr Rajif Shah iyo sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay kulan ugu soo wada qaatay dalka Mareykanka markii Madaxweynaha uu booqasho ku tagay dalkaasi iyaga oo kawada hadlay sidii USAID ay Soomaaliya taageero ugu fidin laheyd.

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in wararka maanta, Warka Soomaali [news]. Bookmark the permalink.

Comments are closed.