Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Xasan Sheekh oo ka soo laabtay wadanka Sudan ayaa waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo xubno kale oo ka tirsan dowlada.
Wuxuu sheegay Madaxwaynaha in dowlada Suudaan uu kala soo qaybgalay sanadguuradeedii 57-markii ay xuriyada ay qaateen inkaasi ka dibna ay kulamo wada qaateen madaxda wadanka Suudaan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in labada wadan ay ku heshiiyeen iskaashi walaaltinimo iyo waliba in dowlada Suudaan ay caawiso dowlada Soomaaliya.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa carabaabay in heshiiska uu qayb ka yahay in dowlada Suudaan ay Soomaaliya ka taageerto tababarada ciidamada Booliska Soomaaliya, iyo hormarinta adeegyada bulshada.
Ugu dambayn Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in kulan muhiim ah uu la qaatay ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan wadanka suudaan isla markaana ay ka wada hadleen arimo badan oo ay kamid ahaayeen xaalada dalka iyo waliba sida looga baahanyahay inay gacan ka geestaan horumarinta wadanka.





