Madaxweynaha Barcelona ayaa sheegay in aaney helin wax dalab ah oo Lionel Messi lagu doonayo taasna waxa aay ku tuseysaa sida Messi uu naadiga ugu huray naftiisan. Laaacibka ayaa oo qandaraas cusub u saxiixi doona naadiga usbuuca soo socda.
Qandaraaska Lionel Messi uu saxiixi doona ayaa ku eg 2018 ka. Messi ayaa noqon doona cayaaryahankii sedexaad ee qandaraas cusub u saxiixa naadiga bishaan Janaayo. Xavi Hernandez iyo Carlos Puyol ayaa horaan u qandaraaskoodii u kordhiyey Barcelona.
Balse Victor Valdes ayaan weli u saxiixin qandaraas cusub isaga oo diiday in uu qandaraaska u kordhiyo naadiga bishaan dhexdeedii. Rossell madaxweynaha naadiga ayaa sheegay in Valdes xili kasta uu albaabka uu u furanyahay hadii uu doonayao in uu qandaraaskiisa naadiga u kordhiyo. Valdes ayaa qandaraaskiisu ku egyahay 2014ka.







