Nolosha waa galinka hore iyo galinka danbe marb waa sida ay kuu soo marto waxaasa murugo iyo ciil ah ruux naftaada aad u dhiibatay ee qalbigaaga aad ku qortay in aad weeso Xamdi yacquub waa gabar 18 sano jir ah kuna nool wadanka sacudiga magaalada shaariqa oo ay muda 5 sano ah ay ku nooshahay
Xamdi Yacquub waa gabar alle ku baneestay qurux iyo daganaasho dulqaad iyo samir badan sanadkii 2002 ayaa waxay is barteen wiilkan ifka ay iskugu jeclayeen wiilkaas ayaa magaciisa waxaa ladhahaa Daadir cali xiligas oo ay isku barteen garoonka diyaaradaha cisiley daadir cali waxuu xiligaas u socday dalka dubai halka xamdi yacquub ay u socotay ayadana wadanka sacuudiga
Jaceylka waa aragti jaceylka waa is maqal waa sida daweesha mar kaliya ayuu ruuxa hawadiisa ay martaa waa uu dhalalaa waxuuna daremaa ruxaas noloshiisa in is badal weyn soo food saartay oo ah jaceyl rabitaan qof kale in uu haayo xalka iyo talada oo kaliyana in ay tahay in uu raadiyo xoogana saaro sida naftaas xiligaas qalbiga tabatay loo heli lahaa hadiiba calaf iyo nasiib ku tageero ayay ku xeran tahay oo ka horeeya
Xamdi iyo yacquub waxay muda dheer taleefan iyo MSN ka wada hadli jreen waxay is wayeen sanadkii 2007 xiligaas oo uu daadir nasiibka u helay in uu u dhoofo dalka filand muda shan bi ah
marka uu jogay ayuu is badal weyn daadir layimid taasi oo ah in balanka uu ka baxo hadalo mesha aanan ku haboneen ku hadlo taasi oo uu ku muujinaayo in xagiisa ay ka soo dhamaatay jaceylkii mudada badan ka wada shaxeeyay xamdi yacquub waqti dheer oo sheeko ah isla soo qaaday lakin ugu danbeen sheekadii iyo jaceylkii axdiga lawada galay halkii ku bur buray yacquub xaas ayuu lee yahay hal gabar ayuu dhalay xiligaan waa aabe waxuuna ku nool yahay wadanka filand oo ay walashiisa u ka xeesay
Hadii arinkaan ku soo wajilahaa maxaad ugu gudbi laheed oo aad is dhihi laheed waa lagu xalin karaa fikirkaga wanaagsan ruux ayuu daawo farxadeed u noqon karaa jawaabta aad bixineeso inta aadan bixin ka hore ka fiirso oo ka dib jawaabta bixi sida xal uu u noqdo qoraal kaaga qiimaha badan leh Dhamaad
Aqristayaasha sharafta iyo ciziga iyo karaamada badan lahow hadii aad doneysaan su’aalo in jawaab la idinka siyo ama aad heysaan qiso dhab ah oo ku saabsan jaceyl adiga hakuqu seeso ama ruux aad taqaano haqu seeso waxaad ku soo diri kartaan ciwaanka hoose ku qoran ee aad aragtaan Mahadsanidiin
W”Q: Xasan Wadani
Allsomalia.com
Qaahir Masar
xasanraawi@hotmail.com





