Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay kuu guulaysteen fashilinta weeraro argagexiso oo lala damacsana in laga fuliyo magaala xeebedka Mombasa ee wadanka Kenya kaasi oo lasoo qorshenayay inta lagu guda jiro maal maha ciida kirismiska.
Taliyaha booliska magaladasi Aggrey Adoli ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen koox Soomaali ah oo si dhuumalaysi ah uga soo gudubtay soodinta Kenya ay la wadaagto wadanka Somalia.
Taliyaha ayaa u shegay saxafada in shacabka wadanka Kenya laga doonayo in ay fajignaadaan inta ay soconyaan dabaal dagyada iida kirismiska.
Mombasa waa maagalada 2-ad ee ugu weyn wadankaasi Kenya oo dhaqaalo badan ay kasoo gasho dawlada Kenya waxa ay ragaadiyay qaraxyo bam iyo sidoo kale weerar afduub ah oo loo geesanayo dalka gaar ahaan halka ay u dalxiis tagaan dadka.





