Kenya: Doorashada Guud ee Soo socota oo ku bixi Doonta 25 Bilyan oo Shilin.

Doorashada soo socota ayaa ku kici doonto qiimo lacageed oo gaaraya 24.9 bilyan oo shilinka dalka Kenya ah, taasi oo sedex jibaar ka badan lacagtii ku baxday doorashadii la soo dhaafay.

Wasiirka maaliyada Dalka Kenya  ayaa barlmaanka u gudbiyay dukuminti uu daaha kaga qaadayo lacagtaas doorashada ku baxaysa.

Lacagta ayaa waxaa la sheegy in loo isticmaali doono agabka iyo waxyaabha kale ee la xariira doorshada guud ee soo socota .

Doorashadii ugu dambasyay ee dalka Kenaya ka dhacday 2007dii ayaa waxaa ku baxay dhaqaale gaaraya 8 bilyan oo shilin.

Doorashda soo socota ayaa waxaa lagu wadaa in ay dhacdo 4ta bisha Marso ee sanadkan 2013.

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in Wararka Maanta. Bookmark the permalink.

Comments are closed.