Isticmaalka baraha Bulshada isku-xira oo Soomaalida Dhexdeeda ku sii Xoogaysanaya

Dunida horumartay ee lagu naaneyso “Dunida koowaad” waxaa ay ku horumartay isticmaalka adeegyada casirga oo qaab nabadeed loo hirgaliyay, waxaana adeegyadaasi qaarkood u muuqdaan inay soo gaarayaan dadka ka hooseeya saxaraha gaar ahaan dalka Soomaaliya.

Shantii sano ee ugu dambeysay gobollo kamid ah Soomaaliya waxaa ka hirgalay isticmaalka adeegyada dunida koowaad la jaanqaadi karo, waxaana dadku xilligaasi kadib billaabeen inay raadiyaan qaab fudud oo ay ku heli karaan adeegyada ay u baahanyihiin.

Shirkadaha taleefoonnada ayaa billaabay tartan ay ku xaqiijinayaan inay bulshada u ooman isgaarsiinta casirga ah ku soo biiriyaan liiska macaamiishooda, waxaana billaabmay shirkado bixinaya adeeg Internet oo raqiis ah laakiin waxaa lagu kala tagay xawaaraha qadadka ay shirkaadku bixnayeen.

Sida aduunka oo dhan lagu heshiiyay lana ogsoonyahay baraha internet ka ee bulshada ka dhexeeya waxay ka caaganyihiin siyaasadaha iyo arrimaha kale ee kala fogaashaha keeni kara, laakiin labadii sano ee la soo dhaafay waxaa dunida saameeyay baraha bulshada kulmiya.

Kooxaha ku kacsan dowladaha ayaa billaabay inay afkaartooda soo bandhigaan iyagoo qaab qaldan wax ugu sheegaya inta aan xogtooda dhabta ah heyn, taasoo keentay Qatar horleh, waxaa kaloo qatartu ay saameysay dadka ku nool qaar kamid ah wadamada waqooyiga Africa, qariiradda carabta iyo bariga  dhexe.

Markaanu ku soo laabanno dalkeenna Soomaaliya qatarta adeegyada baraha bulshada ka dhashay waxaa kamid ah in siyaasadda aad loogu adeegsaday iyadoo tusaale ahaan ururka Al-shabaab uu afkaartiisa ku soo bandhigay bogga Twitter-ka, oo kamid ah baraha bulshooyinka isku xira.Microsoft Word - web 2.0 logos.doc

Qaab adeegsiga wanaagsan ee bulshadu ay ku faani karto.

Soomaalidu waxay aad u isticmaashaa shabakadaha Facebook, Nimbuzz!, twitter, Skype, iyo adeegyada lamidka ah waloow ay kala xawaaro dheeryihiin, waxaana sanadihii dambe soo baxayay in dadku ay fursad fiican u heleen adeegyadani.

Talefashinka Universal ayaa ku guuleystay inuu billaabo barnaamij dadku ay kaga soo qeyb qaadanayaan baraha bulshada isku xira gaar ahaan, Skype, oo maqal iyo muuqaal soo gudbin kara hadii aad heysato qalab dunida la jaanqaadi kara iyo internet nadiif ah.

Barnaamijka uu talefashinku soo bandhigo ayaa lagu magacaabaa Kulan iyo wax kororsi, soo saaraha barnaamijka ahna madaxa arrimaha bulshada ee TV-ga Universal, C/xafiid Jaamac Maxamed oo la hadlay Shabakaddan SN ayaa sheegay inuu barnaamijkiisu kamid noqday kuwa ugu xiisaha badan Soomaalida dhexdeeda

“Program kan waxaa looga dan leeyahay, in laga ilaaliyo dhallinyarada Soomaalida ah inay ku lug yeeshaan dambiyo, sidoo kale in la hormariyo waxbarashada iyo nabadda ee dalka, sidoo kale in fursad loo siiyo dhallinyarada Soomaalida ah inay gacantooda ku isticmaalaan Technology da cusub, waxaan aad ugu faraxsanahay inaan ahay soo saaraha program kan” ayuu SN u sheegay C/xafiid oo London jooga.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale barnaamijyada baraha bulshada isku xira ka faa’iida waxyaabo badan, sida in qof muddo aad moogeyd magciisa aad raadiso kadibna aad hesho markaad sawirkiisa aqoonsato, waloow dhibaatooyin ay jiri karaan hadana faa’iidada ayaa loo arkaa inay muuqato.

Anisa Maxamuud, waxay ku nooshahay Canada, waxay SN u sheegtay in dhibaatada ugu weyn ay tahay kaftanka dhallinyarada laakiin ay aaminsantahay in boqlkiiba boqol ay faa’iido qabto.

“Anigoo dalkan Canada jooga ayaan waqtigeyga ugu badan la xiriiraa ehelkeyga oo aduunka meelo kala duwan ka jooga sida Soomaaliya, iyo meelo kale, anigoo aan qarash badan galin, marka waa horumar aduunku uu gaaray” ayay tiri Anisa.

Dhibaato iyo faa’iido dhallinta maxay ku qabaan?

Dhallinyaro badan oo aan waqti u heli Karin inay saaxibadood mobile ka wacaan ayaa qadka kala shekeysta iyagoo is dhaafsada macluumaad ku saabsan waxbarashadooda iyo arrimahooda kale.

C/raxmaan Bilaal Caad, waa arday kulliyada Shareecad islaamka barta jaamacad ku taal magaalada Boosaaso, mar aan la hadalnay ayuu sheegay in dhibaatada ugu weyn ay tahay waqtiga oo meel cidla ah kaaga lumaya isagoo xusay inaanu soo koobi Karin faa’iidada uu qabo.

“Hadii aan kaaga waramo faa’idooyinka ardadu ay kuqabaan horta waxaa la dhihi karaa lama soo koobi karo laakiin qaar kamida ayaan rabaa inaan kuu sheego tusaale ahaan oo kale waxaa uu internetku fu dudeeyay inaad kala xiriiri kartid jaamacada kuyaalada dalal kale sidoo kale waxaa uu ardada u sahlaa helitaan research yada mararka loo diro oo kale waxaa ay waydiiyaan waxaabihii loo soo diray oo ay si fudud ku helaan” ayuu yiri Mr. Caad.

Sida bulshada badankeedu ogsoontahay waxaa siyaabo kala duwan loo adeegsadaa baraha bulshada isku xira hadaba Soomaalida caqabado mala kulantaa yaase badan faa’iidada iyo dhibaatada? Su’aashani waxaa hor dhigay markale C/raxmaan oo ka tirsan jaamacad ku taal Boosaaso.

“Run ahaantii aaladda internet-ka guud ahaan waxaa la dhihi karaa waa wax laba af leh maxaa yeelay hadba meesha loo adeegsado ayay noqonaysaa ardada hadii aan usoo loobto iyo sida ay uga faa’idaystaan horta wax markii aad rabtid inaad faa’idid waa in waxaa lagaa faa idaa dhalinyaradu ugama faa’idaysto sidii loo baahnaa adeegyada facebook iyo kuwa kale maxaa yeelay aqoontu waxaa ay qofka ka reebtaa waxa xun waxay u iftiimisaa wanaaga waxay rabto ha ahaato aqoontaasi mida diinta ku saabsan iyo mida kale ee maadiga ahba maxaa yeelay waxaa ad arkaysaa wiil ama gabar dhalinyaro ah oo arday ama ardayad ah oo aalada facebuuk-a soo galinaya waxyaabo aanan micne lahayn ama aan anshaxa ku wanaagsanayn marka waxaa muhiim ah in qofka aqoonyahanka ah uu garto meesha uu dadka ka joogo, taasi waa mid tan kale aaladaan waxaa ay kuu sahlaysaa in aad waxa calooshaada ka guuxaya aad ku soo bandhigtid oo fikrad ah laakiin ardada soomaaliyeed gaar ahaan waxba kumasoo bandhigaan sidii ay ahayd ugama faa’idaystaan” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Caad.

Heerka adeegsiga warbaahinta Soomaalida.

Dadka Af-Soomaaliga ku hadla ayaa la rumeysanyahay in aaladaha bulshada isku xira ay u isticmaalaan si ka baxsan xadkii caadiga ahaa, waxaana la sheegaa bogaga Soomaalidu inay dhibaato ku qabaan shabakadahan bulshada, iyadoo dhanka kale dhibaato taa lamid ah ay sheeganayaan dadka isticmaala aaladdan.

Idaacadaha, TV-yada, iyo website-yada ay Soomaalidu leeyihiin waxay aad saaxiib dhaw u la noqdeen qadadku ay dadku isticmaalaan, waxaana xiriirka warbaahinta iyo adeegyada bulshada isku xira ay iskula jaan qaadeen qaab aad u wanaagsan.

Dhibaatooyinka ay qabaan warbaahintu waxaa ugu weyn in magacooda uu adeegsado qof aamba shaqo ku laheyn kadibna uu dhaawaco macaamiil uu lahaa talefashin, radio, ama website, taasina waxay keentaa kalsooni xumo ka imaaneyso dadka adeegyada sida qaldan u isticmaala.

Dhibaatooyinka ay qabaan isticmaalayaasha adeegyada ayaa waxaa kamid ah in magacooda lagu soo rido ama lagu soo {Tag} gareeyo sawir aanay ku qanacsaneyn ama warbixin aanay rabin, taasoo dadka aan qibradda wanaagsan u laheyn aaladda uu moodi karo in masuuliyadda uu leeyahay shaqsiga warbixinta la soo duldhigay.

Maxamed Xirsi, waa tifaftiraha website-ka All Somalia, wuxuu aaminsanyahay inaanu xiriir fiican jiri laheyn hadii aanay bulshada adeegyada isticmaasha iyo kuwa warbaahintu saaxiib dhaw ahaan laheyn, wuxuuna qabaa in labada dhinac ay dhibaatooyin isku qabaan.

“Ninyahoow dhibaatooyinka aan isku qabno inaga oo warbaahinta ah iyo dadka isticmaala shabakadahan bulshada aad bay u badanyihiin, hadana kalama maaranno, dan weyn baa inaga dhaxeysa, hadii aan fiiriyo khasaaro iyo faa’iido waxaa badan faa’iidada waayo website la dhisay wax ka yar bil ayaad arkeysaa online-ka dadka u fadhiya oo sii dhaafaya 500 ama ka badan, marka intaasina wuxuu ku helay facebook lagu taagareeyay iyo waxyaabo lamid ah” ayuu SN u sheegay Mr. Xirsi.

Sidee looga hortagi karaa dadka dhibaatada wada maxaase nooga sheegi kartaa tusaale ahaan dhibaatooyinka aad kala kulantay shabakadahan?, su’aashan ayaan markale weydiiyay Maxamed Xirsi.

“Sxboow dhibaatooyinku way badanyihiin laakiin aan tusaale u soo qaato, hadda ka hor mid kamid ah dadka ku xiran website keyga ayaa facebook ku daabacay in Aamina Muuse ay guursaneyso goor dhaw, dad badan ayuu ku tag gareeyay, warbixintiisa links been ah ayuu u sameeyay, caradii ka dhalatay warbixintaasi been abuurka ah ee aan bogeyga lagu daabicin waxay keentay inaan waayo kalsoonida macaamiil badan” ayuu yiri Xirsi.

Wariye Maxamed C/naasir Ayaanle, waa wariye madax bannaan oo jooga Muqdisho, wuxuu aaminsanyahay in adeeegsiga baraha bulshada kulmiya ay tahay faa’iido ay qabaan dhamaan saxaafadda Soomaalida, wuxuuna rumeysanyahay in dadku ay aad ugu nugulyihiin warbaahinta bulshada ah.

“Aniga ahaan waxaan rumeysnahay in baraha bulshada kulmiya ay yihiin kuwa ugu faa’iidada badan, laakiin waa ay jiri karaan dad si qaldan u adeegsada fakarrada looga gol leeyahay adeegyadaasi” ayuu yiri Ayaanle oo Muqdisho jooga.al-shabaab twitter

Qaab adeegsiga laga naxo ee argagaxisda iyo soo jiidashadooda macaamiil cusub.

Ururka Al-shabaab oo ah urur argagaxiso kuna xiran Al-qaacidda laguna biiriyay liiska madoow ee la baadi goobayo hogaamiyeyaashiisa, ayaa loo arkaa inuu six ad dhaaf ah oo ku xad gudub heerkii loogu tala galay ah u adeegsado, shabakadaha bulshada gaar ahaan bogga twitter-ka.

Al-shabaab oo ay la shaqeynayaan quburo jihaadiyiin ah ayaa sameysay bog ay ku qoreyso English-ka si ay u soo jiidato dadyoow kala duwan oo aan Soomaali ku koobneyn, waxaana ay bogaasi ku soo bandhihtaa afkaarteeda iyadoo heshay macaamiil badan oo aaminay fikirka kooxda.

Kooxda Al-shabaab ayaa la sheegaa in bogeeda twitter-ka uu ka saaciday inay helaan kalsoonida ajaaniib badan oo tagay goobaha ay maamusho iyadoo isku dayaysa inay cadow ka dhigato wixii ka soo haray {Raayada-madoow}, waxaana bogeeda ka soo muuqda dhabar jabka ay sheegtaan inay gaarsiiso dhinaca ay ku kacsantahay ee dowladda iyo kuwa taageersan.

Ururka Al-shabaab wuxuu isku dayay inuu dhallinyaro Soomaali ah oo dibadda jooga uu ka dhaadhiciyo afkaartiisa, waxaana ay salfadeen nolashada dhallin badan oo la ilduufay kadibna kamid noqday ururka Al-shabaab oo ku daray liiska isqarxinta ama kuwa dagaalka gala.

Prof. kamid ah kuwa technology-ga  ka dhiga Jaamadaha magaalada Muqdisho oo warbixintan ay su’aalo ka weydiisay qaab adeegsiga kooxda Shabaab ee bogaga bulshad ayaa isagoo magaciisa sababo amaan u qariyay wuxuu sheegay in dhallinta qurba joogta in badan oo kamid ah ay ku kadsoomeen fikirrada Al-shabaab.

“Sanadihii ay ciidamada Ethiopia, dalka joogeen iyo markii dambe ay soo galeen AL-shabaab bogeeda twitter-ka ah ayaan aad u la socday, waxay ku soo bandhigayeen falsafad u muuqata inay kaalmo rabaan iyagoo iska dhigaya kuwa dalka ka difaacaya cadow ku soo duulay, waxaana arrintaasi la dhacay dhallinyaro badan oo afkaar soo dhaweyn ah soo dhiibtay marka kuwaasoo kale ayaa qaldamay” ayuu SN ku yiri Prof-ku.

Dagaalka twitter-ka ayaa la rumeysanyahay inuu dhexmaray kooxda Al-shabaab iyo saraakiisha Kenya, kadib markii dhallinyaro boqolaal keenyaati ah iyagoo qaba fikirka Al-shabaab ay soo aadeen Soomaaliya, taasina waxay sii kicisay xanaaqa Kenya ay ka qabto ururka Al-shabaab.

Xigasho  Salaamanews

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in OPINION. Bookmark the permalink.

Comments are closed.