Golaha Baarlamanka Maamul Goboleedka Ximan iyo Xeeb oo Manta Kulan Yeeshay.

Kalfadhigii 9-aad ee golaha Baarlamanka maamul goboleedka ximan iyo Xeeb ayaa maanta ka furmay magaalada Cadaado ee xarunta maamulka,  kaasi oo looga doodayo ajandayaal dhawr ah.
Kulanka xubnaha Baarlamanka oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha golaha Baarlamanka Ximan iyo Xeeb C/llahi Faarax Sandheere ayaa waxaa hor yaala ka doodista qodobo quseeya siyaasadda maamulka ee gudaha, shaqooyinka wasaaradaha iyo shruucda doorashada madaxtinimo ee Ximan iyo Xeeb oo bilaha soo socda la qaban doono.
Sh Maxamuud C/llahi Xoghayaha 1-aad ee Baarlamanka maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa xubnaha Baarlamanka u aqriyay ajandayaasha Baarlamanku maalmaha soo socda ka doodi doono.
Kalfadhigan sagaalaad ee Baarlamanka maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa socon doona dhawrka maalmood ee inagu soo aadan, waxaana horyaala go’aan ka gaarista qodobada ay ka doodayaan.

 

Allsomalia.com/xafiiska Cadaado

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in Wararka Maanta, wararka maanta, Warka Soomaali [news]. Bookmark the permalink.

Comments are closed.