Garissa Shalay iyo Maanta (Warbiixn Xasaasi Ah)

Magaalada gaarisa waa magaala madaxda gobolka waqooyi bari ee dalkani kenya’ waxayna caan ku ahaan jirtay nabada marka loo eego magaalooyinka kale ee iyada la midka ee kuyaala keenyada hoose ama bariga africa’ waxaana jirta in dadweynaha kudhaqan magaalada ay kuwada dhaqmijireen si nabad iyo xasilooni kujirto iyadoon jirin wax midab  takoor ah.

 

Waxaa kale oo xasuus mudan in magaalada gaarisa ay ka badbaaday rabshadihii dalkani kenya kadhacay doorashadii guud ee lagu murmay sanadii 2007 dii iyadoon gaarisa wax qalalaasa ah kadhicin.

 

Waxay xaaladu saas kusocotaba dhamaadkii sanadii 2011 kii ayeey aheyd markii ciidamada kenya lagu amray inay gudaha u galaan dalka somalia iyagoo bacsanaaya xoogaga xarakada al-shabaab kuwaas oo lagu edeeyay inay falal amni dara ah kawadeen dalka kenya gudihiisa inkastooy al-shabaab iska fogeeyeen arinkaas.

 

Intaas kadib waxaa magaalooyin badan oo dalkani Kenya kamid ah kadhacay qaraxyo iyo dilal Toogasha ah oo isdaba joog ahaa ilaa hadana socda’ waxaana magaalooyinkaasi kamid ahaa Gaarisa’ Mandera’ Wajeer oo intuba kawada tirsan gobolka waqooyi bari’ sidookale caasimada dalka Nairobi iyo Mombasa oo ah magaala madaxda gobolka xeebta’

Bishii november ee sanadkani ayey aheyd markii rag hubeysan ay ku dileen suuqa ugu caansan magaaladani gaarisa ee suuq Mugdi laba sarkaal oo katirsanaa ciidamada dambi baarista dalkani kenya ee loo yaqaano {C.I.D} da’ inkastoo maalintaas ay dadku inteey xarumaha ganacsiga xireen ay xaafadaha kala aadeen lakiin wax rabsho ah madhicin’ iyadoo dhacadadaas wali la hadal hayo ayaa dhawr bari kadib rag hubeysan oon heybtooda la aqoonin ay toogasho ku dileen sedex sarkaal oo katirsanaa ciidamada milatariga dalkani kenya kadib waxa dhacday in ciidamadii milatariga ay arin foolxun  u gaysteen dadka kudhaqan magaalda Maarisa’maalintaas waxay u aheyd dadweynaha reer gaarisa maalin mugdi ah  oo ilaa hada maskaxdooda ka guuxeeysa waxayna maalintaas cabsi xoog leh ku beertay dadka reer gaarisa.

Waana maalin ayna waligood ilaabidoonin iyadoo dadka qaarkiina ay dhacadadaas ku tilmaameen xasuuq kadareeyd tii dawladii madaxweyne moi ay u geysatay dadka reer Gaarisa oo kadhacday garoonka kubada cagta ee loo yaqaano Garisa Primaray halkaas oo lagu magacaabo Gaarisa Gubaay.

 

Sagaalkii bishan decembar ayaa dabley hubeysani ay sedex nin ku dileen garisa yarey ragaas waxaa kamid aha nin somaali ah oo katirsanaa ciidamada milatariga dalka’ sedexda nin midkood dhaawac ayaa soo gaaray laakiin muusan dhimanin.

 

Si kastaba ha ahaatee arimahaan oo dhan ayaa waxay muujinayaan in nabadii macaaneyd ee kajirijirtay Gaarisa ay faraha kabaxday’ waxaana muuqata in dawlada dalkani Kenya ayna ahmiyad weyn usiinin amaanka Gaarisa sida ay ahmiyad usiiso magaalooyinka kale dalka.

 

Run ahaantii qaraxyada iyo dilalka qorsheeysan ee kadhaca magaalani Gaarisa ayaa keentay in dadweyna tiro badani ay ka cararaan iyagoo raadsanaaya meel udhaanta amniga Gaarisa eed moodid inay jahadii kadhuntay’ maxaa yeelay dadka reer Gaarisa meysan ubaranin xabado korkooda kadhaca ama qaraxyo taasi oo keentay in markii qofkasta uu maqlo arimahaas aan soo sheegnay intuu kabaha gacanta ku qaato inuu u cararo meesha uu isleeyahay waad kaga badbaadikartaa qulqulatooyinkan.

sidaas awgeed ayaa waxaa marmarka qaarkood maskaxda  dadka reer Gaaris kusoo dhacda maahmaahdii somaliyeed ee aheyd ceela uma qodno cidina uma maqno’ marka waxaa la orankaraa Gaarisa ceela uma qodno cidina uma maqno.

Siyaasiyiinta u Gobalka udhalatay ayaa kor iyo hoos u dhawaqay lakiin dhawaqoodii ilaa imika cida dhag uma dhigin dhawaqa rasaasata iyo dhimasada socotana wali lama dhimin.

 

Dadwaynaha ayaa is waydiinayaan waxaa ila imkia loola’yahay cid loo qabtay falalkan taas oo wal wal iyo shaki ku abuurtay dadwaynaha reer Garissa.

 

Barre Yussuf Ibrahim ( ilkacase)

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxa ay gaar ku tahay qoraaga ee maaha mid ay qabto allsomalia.com

 

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in OPINION, wararka maanta, Warka Soomaali [news]. Bookmark the permalink.

Comments are closed.