Faroole iyo Abdi Mahamud Omar Maxaa Kareebay kulankii Djabuuti(sirculus)

Tan iyo intii uu hogaanka qabtay Madaxwaynaha wadanka Soomaliya Hassan Shiekh Maxamuud waxaa soo shaac baxday xulufaysi ay kumidoobayaan dhamaan beehala ku abtirsada Irir kaas oo uu hormuud kayahay Imaciil Cumar Geele oo isgu ah aabaha qabyalada iyo kala qoqobka Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan in uu madaxwaynaha Hassan uu dhow jeer ku tagay wadanka Djabuti safar isaga oo casuumaa kahelay Madaxwaynaha Djabuuti  ismaciil Cumar Geele.

Ajandayaasha iyo wada xaajoodka kadhaxeeya labada madaxwayne ayaa ah kuwo isku si oogu qotoama sidii ay hal fikir oo midaysan ooga qadan lahaayeen xaalada Soomaliya iyada oo ay ujeeda koobaad tahay sidii in xooga lasaari lahaa  arimaha Jubooyinka iyo waliba dowalad Gobaleedka Puntalnd .

Labadan u jeedo ee qaloocsan ayaa waxay kala yihiin in marka Koobaad lamariin habaabiyo dhaman dadalada nabadeed ee kasoconaya wadanka Kenya kaas oo uu hadafkiisu yahay sidii loogu yagleeli lahaa mamaul ay shacabka jubooyinka ay soo dhisteen.

Haqal taaga Geele iyo Garguurte ayaa ah in ay ganafka u eegaan dhamaan hayanka nabada iyo himilada shacabka Jubooyinka waxayna iska dhaadhiciyeen in ay u midoobaan in ay hadaan katuuran hanashada shacabka iyo hilowga dadwaynaha ee ku aadan Arimaha Jubboyinka.

Waxaa cad oo anan xaab saaray talabadii adkayd ee uu oogu  tafaxaytay Hassan sheikh in la hanqaaro lana awdo  wadiiqa kaste oo ay ku midha dhali karaan dadaalada nabada ee gobalada Jubbaland isaga awood kaste u adeegsaday.

Fakarka qaloocan ee Garguurte waxaa gadhwadeen ka ah ismaciil Cumar Geele oo isagu buunka qabyalada ka afuufaya Djabuuti lehna wada  wadiiqada kalagaynta isticmaal isaga oo dhowr jeer kala hadlay Hassan sheikh sidii uu kala tafaaruqin lahaa buslshada Jubboyinka.

Aragtida gaban ee ay qaateen gurguurte iyo Geele ayaa ah in iyana meesha laga saaro maamul gobaleedka puntland oo isagu ah hooyga maslaxada umada soomaliyeed qorashayaasha fashilka ah ee ay dhawaan Hassan gur guurte iyo Geele ay kuwada mirqameen ayaa ahaa in ay meesha kasaraan Puntaland oo ya u adeegsadaan wado kaste oo iyadana lagu kala fur furayo siyaasada dowalad gobaleedka iyada oo ay u soo direen kooxo hubaysan oo kadagalama gudaha Puntland si khal khal loo galiyo aminga Gobalka.

Waxaa sidoo kale ay isla soo qadeen Hassan Gargurte iyo Geele in ay soomaaliland weerar ku sooqaado Puntland si ay toos oogu kala daadatoo siyaasada puntaland waxaana xusid mudan in ay jiraan maleshiyaad huwan magaca Xarkaada Al-shabaab oo qalan quul iyo tashwiish ka wada gudaha gobalka Puntalnd kuwaas oo ay soo hubeeyeen garguurte iyo geele.

Sida aanu ku helay warar hoose oo xog ogaal ah waxaa jirtay in ay ku fashilmeen arimihii iyo hadafkii ay kalahayeen arimaha Jubooyinka labadan madaxwyen kusheeg ee huwan qabiilka kadib markii uu Hassan gurguurte fadeexad iyo waji gabax kala kulmay wadanka Ethiopia halka ay Kenyana ka cudur daaltay in uu wadankeeda yimado.

Iyada oo ay taasi jirto ayaa waxaa xusid mudan in ay labadn nin damceen in ay saaxada iyo salaanka qabiilka oogu suul dhabaleeyaan madaxwaynaha maamulka Soomaliland Ahmed Mahamud Siilaanyo si uu ooga qaybqaato ruclo oaraka ay oogu jiraan labadan madaxwayne kusheeg hanaanka qabiilka iyo hanqaarida daarood.

Waxaa la is waydiinayaa shirkii shalay soo xidhmay ee ay xukuumada Djabuti oogu magacdartay xuska 40 sano guuradii qorista Afka soomaaliga waxa kareebay labada madaxwaye ee kasoo jeeda qabiilka Daarood.

Tani waa fadeexadii iyo furihii fashilka Hassan gurguurte iyo ismaciil cumar geele ay kalaheen in ay mideeyaan Xisbiga Iriir ee uu gudoomiyaha u yahay Ismaciil Caqli Geel taas oo ay ku badalayaan qarankii soomaliyeed in uu noqdo qabiil .

Madaxwaynayaasha Puntland iyo Dowalada Deegaanka soomalida Ethipia ayaanan kaqayb galin shirkii lagu sheegay in lagu xusayo afka Soomaliga waxaana is waydiinleh hadii meesha lagu xusayo afsoomali in aysan goob joog ka ahaanin labada gobalka ee gundhiga u ah Afka soomaliga .

Si kastaba ha haatee waxaa laga dhwor sugayaa ay halka ay dhigi doonaan dhiisha ay lulayaan Geele iyo Gurguurte.

Mohamed Muqtaar ahmed

Muqtaaryare2564056@hotmail.com

Bosaaso soomalia

FG: qoraalkan waxa uu gaar u yahay qoraaga ku saxiixan

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in ARRIMAHA BULSHADA, OPINION, wararka maanta. Bookmark the permalink.

Comments are closed.