Ubax Nacfi waa Fannaanad fanka Soomaaliyeed kusoo biirtay dhawaan, taasoo qaaday dhowr hees, inkastoo kasoo qeybgalka xafladaha qaar aysan u badneyn, waxayna xalay wacdaro ka dhigtay xaflad lagu qabanayay Amsterdam
Ubax Nacfi waxay ku nooshahay dalka Holland, waxayna ku luuqeysaa heeso aad u macaan, eyadoo dadkii xalay kasoo qeybgalay xafladia isweydiinayeen Fannaanada oo ay horay u maqli jireen codkeeda iyo muuqaalkeeda oo ay xalay lasoo baxday iyadoo aad u labisan.
Bahda Jilaa.com ayaa ku dhiirigelineysa cidkasta oo fanka Soomaaliyeed dooneysa iney sare u qaado ama ku soo biirta fanka Soomaaliyeed oo ah mid leh taariikh dheer.





