FALANQEYN: QPR vs Manchester City, Premier League

Kulanka QPR iyo Manchester City ee caawa ayaa waxaan cayaari doonin laacibka reer France ee Loic Remy  kaas oo oo dhaawac ku maqan kaas oo la filayo in dhawaan garoomada kasoo muuqan doono.

QPR oo kaalinta 20 aad uga jirta horyaalka Ingiriiska ayaa maanta waxa aay marti gelin doontaa Manchester City oo kaalinta labaad uga jirta horyaalka Ingiriiska iyo oo 5 dhibcood ka hooseeya manchester United oo iyadu kaalinta koowaad ku haysa 56 dhibcood.

QPR ayaa waxaa sidoo kale dhaawac uga maqan Bobby Zamora, Junior Hoilett iyo Andreow Johnson halka Jose Bosengwa uu dhaawac kasoo laabtay.

Manchester City ayaa waxaa dhib badan ka haystaa dhinaca difaaca iyo kabtankoodii Kompany uu  dhaawac ku maqnaan doono 21 maalmood.

Tababare Mancini ayaa sidoo kale waxaa ka maqan Yaya Toure iyo Kola Toure oo labada ku maqan koobka Qaramada Qaaradda Africa kaas oo ka socda South Africa.

Ma Ogtahay

In Manchester City aay min sedex gool dhalisay sedexdii kulan ee ugu danbeysay oo aay QPR la cayaareen iyo oo dhamaan sedex daas kulana guulaystay.

In Manchester City aay daqiiqadihii ugu danbeyey aay ka badisay QPR kaas oo ay horyaalka ku qaadeen 2012 kii.

In Tababaraha QPR Harry Redknapp uu  markiisii ugu danbeysay naadi uu tababare u yahay dib loogu celiyey horyaalka heerka labaad 2005tii.

Manchester City 4tii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka wada badiyeen.

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in CAYAARAHA. Bookmark the permalink.

Comments are closed.