Tababarah kooxda Manchester City, Roberto Mancini, ayey u muuqataa in uu kasoo tagi doono Mario Balotelli kulan Manchester City aay garoonkeeda kula leedahay Watford qilaafkii dhexmaray darteed.
Halka laacibka reer Argentine S.Aguero uu ku maqan yahay dhaawac isaga oo ku dhaawacmay kulankii Stoke City. Waxaa sidoo kale Manchester City liiska dhaawacyada uga jira Kolarov, Miacon iyo Richards. Samir nasri ayaa isna weli ku maqan ganaaxii red card ka, kaas ee uu qaatay kulan Norwich City.
Yaya iyo Kolo Toure ayaa inaguna ku maqan African Cup Of Nations usbuucan.
Tababaraha Watford Gianfranco Zola ayaa isagu cayaartoy badan aay ka maqneyn.
Balse Manchester City ayaa FA Cup ka ku guulaysatay 5 jeer iyagoo ku guulaystay kii ugu danbeeyey 2011 kii. Manchester City ayaa garoonkeeda ku cayaartay 141 kulan oo FA Cup ah waxa ayna guuleysatay 82 ka mid ah halka 32 jeerna barbaro ku gashay 30 ka mid ahna looga guuleystay. Watford ayaan weligeed ku guuleysan FA Cup ka.






