Chelsea ayaa kula soo wareegtay Weeraryahanka reer Senegalese ee Demba ba, ee u cayaari jiray Newcastle, aduun dhan £7.5 million.
Tababaraha naadiga Newcastle Alan Pardew oo ka hadlay ayaa yiri:” Waa la dhameyey arrinkaas Ba waxa uu aadayaa Chelsea.”
Dhanka kale halyeyga Chelsea Frank Lampard ayaa lasoo sheegayaa in aay suurto gal tahay in uu isaga tago Chelsea.
Halka naadiga Inter Milan ee ka dhisan wadanka Talyaaniga la sheegayaa in aay aad u daneynayaan Frank Lampard oo 34 jir ah.
Inter Milan ayaa dooneysa in Lampard uu u badalo cayaar yahankooda qadka dhexe ka cayaara ee Wesley Sneijder oo lagu wado in uu ka tagi doono xagaagan Inter Milan.






