Fowsiyo Yuusuf iyo William Hague oo Kukan Wada Qaratay London.

Wararka naga soo garaya Magalada londan ayaa shegaya in  wasiirka arrimaha dibedda Ingiriiska William Hague uu xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Sida ay sheegayaan wariyaasha ku sugan Magalada londan  ayaa sheega in  kulanka  lobada masuul ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xiriirka u dhexeeya labada waddan.

Waxa kaloo labada wasiir ay ka hadleen horrumarka nabad galyada ee ka jira Soomaaliya, tan iyo markii dowladda cusub ee madaxweynaha ka yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la doortay sannadkii hore.

Labada mas’uul ayaa la filayaa inay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin shir dowladda Ingiriiska ay marti-gelin doonto bisha May ee sanadkan kaas oo looga hadlayo wixii ka qabsoomay shirkii London ka dhacay bishii February ee sanadkii la soo dhaafay.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibedda UK ayaa xaley war uu soo galiyay boggiisa Tweeterka wuxuu ku yiri “Ku soo dhowow Twitter iyo xilka cusub. Waa inoo kulankeenna berri iyo sii wadidda taageerada UK ee Soomaaliya,”.

Marwo Fowsiya ayaa ugu jawaabtay; “Waad mahadsan tahay William Hague. Waan ku faraxsanahay kulankeenna maalinta berri ah. Soomaaliya way idinkaga mahad-celinaysaa taageeradiinna.”

Shirka lagu wado inuu dhaco bisha May ayaa dhaqaale loogu raadin doonaa dowladda cusub ee Soomaaliya

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in Wararka Maanta. Bookmark the permalink.

Comments are closed.