Dagaalo Ka Dhaca Gobolada Dhexe oo Laga Cabsi Qabo

Sida uu warbaahinta usheegay Sheekh Maxamed Cartan Shuuriye oo kamid ah saraakiisha Ururka Ahlusuna wuxuu sheegay inay iminka ku jiraan diyaargaroow ka dhan ah ururka Al-Shabaab inay ku weeraraan deeganada ay kaga sugan yihiin Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inay baaq ujeedinayaan taasi oo ah in laga qabto dhibaatooyinka Al-Shabaab ay ku hayaan shacabka ku nool deeganada Gobalada Dhexe oo ay Shabaabka maamulaan.

Sheekh Maxamed Cartan Shuuriye ayaa sheegay in Ururka Al-Shabaab ay dhibaatooyin adag ku hayaan shacabka ku nool Gobalada dhexe loona baahan yahay in wax laga qabto.

Al-Shabaab iyo ahlusuna ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal culus balse waxaan si dhab ah loo xaqiijin karin dhibaatooyinka ay sheegeen saraakiisha Ururka Ahlusuna inay Shabaab ku hayaan Shacabka Gobalada Dhexe.

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in wararka maanta, Warka Soomaali [news]. Bookmark the permalink.

Comments are closed.