Ciidamada maamulka Puntland iyo dagaaliyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab, ayaa dagaal khasaare weyn geystay oo ku dhexmaray duleedka Magaalada Boossaaso.
Dagaal oo ay qaadeen Islaamiyiinta ku sugan Buuraha Golis, ayaa socday muddo saacad ah, waxaana uu ka qarxay Kaantaroolka Koonfureed ee Magaalada oo ku sugan yihiin ciidamo tiro badani, waxaana la sheegayaa in dhimasho iyo dhaawacyo jiraan.
Qof goob jooge ah ayaa Warbaahinta u sheegay in uu arkay maydka askari ka tirsanaa Al-Shabaab oo dagaaliyahanadoodu weerarka qaadeen.
“Koontaroolka Laag oo 30-KM u jira degmda iyo Koontaroolka degmada laga soo galo oo isaguna 10-KM u jira Magaalada ayay weerarradu ka dhaceen, waxaana ay ahaayeen kuwo muddo socday qof mayd ah ayaan arkay waxa uu u eekaa Al-Shaabab”
Saraakiil u hadashay ciidamada Puntland, ayaa sheegay in iska difaaceen weerarka ay lagu qaaday ciidamadooda, laakiin wax guul ah may sheegan.
Xalay ayay ahayd markii isla goobahaan ay weraar ku soo qaadeen islamiyiinta buuraha Galgala ilaa iyo hada wax war ah kama soo bixin dhinicii werarka sooqaday ee islamiyiinta





