Runti qormadan cafimad oo aan ugu talo galay inan u iftimiyo dadka u halelay cudurka ayaa igu qaadatay mudo inan baritan ku sameeyo sida uu cudurkani Depression-ka iyo Anxiety labaduba u haleelaan dadka soo haajira,
ma fududa in qofku u nolado si xasilon oo aan laheyn walwal iyo walbahaar marka la joogo wadan qurbo ah ,kaasi o dhaqan ahaan, cimilo ahaan,diin ahaan iyo tradition -ahaanba ka duwan midkii uu ka yimid,hadaan tusaale u soo qato soomalida u soo hajirta wadamada yurub ayad waxad arkeysa dhibatoyin kala duwan oo ay kala kulmaan wadamada ay yimadan taasi oo aysan war u heyn kuwa ku harsan gudaha dalkoda.
Hadaba anigoo aan ku sii dheereaneynin aan u dhaadhacio dulucda maqalka kaasi oo runtii xambarsan faaidoyin badan oo wax ku ool ah .
waa maxay depression ? hadaba depression waa cudur runtii uu sababo fakirka iyo walwalka ku yimada qofka xiliga ay la soo gudbonadan duruufo adag ,oo saameyn kala duwan leh waxana loo kala qada sadex qeybood .ee hoos ku xusan .
1-Postnatal Depression = wa mida koobade wa in qofku uu isku arko markasi calamado walwal ku aadan xaga xarirka biniadamka iyo sameynta uu ku yeesho qofka oo nafsad ahaan u arka in uu tabayo waxyalo badan oo uu hore u heysan jiray hadana uusan heysan ,sida xariir faro badan sheko. iyo xoriyada xad dhaf ah oo qofka u ku heysatay marki uu jogay dalkiisa,tasi oo uusan ka helin meeshii uu yimid .
2-Seasional Effective Depression = jiha wareer xaga xiliga ah oo qofkii ku dhaca oo mararka qar ay dhacdo inuu garan waayo jihooyinka ama baqdin xaga cimilada ah sida aan hadaba aragno oo is badalka cimiladu uu yahay dhibatada ugu weyn ee heysata dadka ka soo haajira wadamada Tropicalka ah dabadedna yimada wadamada barafleyda ah taasi oo uu walwal ku aburta qofka xiliga uu soo dhawaado xiliga qaboobaha yurub in ay dad badani ku nooladaan taasi oo iyadana ah depression xaga xiliga ah ama seosonka . dadka inta badana waxay ka walwalan qabka ay uga gudbi lahayen barafka iyo qabowga ka dhaca xiligasi tasi o ah iyada waxa afka qalad lagu yirahdo (Seasonal Disorder Climate change)
3-Familly Reunification Depression = hadaba tani ayaa ah mida ugu daran ee ay dadku kala kulman caqabada ugu daran xaga walwalka sida ay kuu shegayan dad badan oo xog aruurin aan la yeelanay waxana dhacda in xiliga qofku uu isku dayo in uu mideeyo familkisa uu galo walwal kii ugu xumaa taasi oo sababta in uu qofku gaaro heer maskaxdiisu ay ku dhawato waali ,guud ahaana waxaa is badasha dabecadiisa, iyo walwal ilowsho badan, daal. iyo shaqada oo uu naco kuna dhawado in uu shaqeyasan waayo , hadaba 50% dadka xog arurinta an la yelanay aya uu sameyay Familly Reunificaton depressinku ayaa ah kuwo calamado isku mid ah ka soo maray ama uu hayo marka loo eego xaladihi hore ay ku jiren .
walwalka ceynkani ah ayaa ah mid ku badan wadama dadku u so ghhajireen dabadedna isku daya kenista dad ay naf wadaag yihiin sida nin iyo xaas ama qoys kala maqna wax badan mana ahan mid si dhib yar looga gudbo daruuftan aya sababta walwal iyo walbahar qofka u diida in uu nolosha ku raaxeystio ahna caqabada ugu weyn ee sababta Stresska iyo in qofku uu naco noloshaba .
hadaba dhaqatirta wadamada hore u maray ayaa dadka ku dabiiba oo kaliya Dawoyinka Antidepression-ka taasi oo aan wax weyn ka tarin kalmeynta in qofku uu helo xasiloni dhab ah iyo deganaan ka babisa walwalkii hayay balse qabiirka qormadani diyariyay ahna dhaqtar soomaliyed ayaa helay dawada cudurkani Depressionka waxad naga filataa dhowan qormo kale oo ku sabsan sida la iskaga daweyn karo cudurka Depressionka haddi alle ogolaado .
Waxa diyariyay
Dr Mohamud Wadi Ibrahim
Paris /France
mwadi@hotmail.fr







Ugu horeyn waxa mahad leh Allah, kadib Allsomalia.com iyo Dhaqtarka soo diyaariyay maqaalkan baahida loo qabo, waxaan sugnaana waa dawadiisa oo ah mid aad loogu baahanyahay.