Daawo Sawirada Haweeneydii ugu Horeeysay Mudo 22-sano Ka Dib Darawal PL Muqdisho Ka Noqotay

Isgooyska KM4 Meel ku Dhow  ayey rakaabka kaga dagayan gariga

Haweeneydaan oo lagu magacaabo Xabiibo Biljam kuna magac dheer “Maama Xabiiba Biljam” ayaa ka warbixisay shaqadeeda darawalnimada waxay sheegtay inay ku qanacsan tahay, taasi oo ay sheegtay inay dalka u timid si ay weji cusub ugu furto haweenka Soomaaliyeed ee dalka ku sugan.

“Maryan Mursal oo kaliya ayaa iiga horeysay haween darawal ka ah gaadiidka BL-ka, waxaana noqday qofkii labaad ee haween ah oo darawal ka noqda gaadiidka BL-ka ee isaga kala goosha Xamar Weyne iyo Isgoyska Zoppe” ayay tiri Maama Xabiibo.

Haweeneydaan oo wade ka ah gawaarida loo yaqaano Mini Bus ah nooca Homeyda loo yaqaano ayaa si weyn uga duwan darawalada kale ee gaadiidka BL-ka, iyadoo gaariga ay wadaha ka tahay Maama xabiibo aad moodo in dadweynaha ay door bidayaan inay raacaan gaariga Maama Xabiibo, taasi oo keentay in dadweynaha ay siyaabo kala duwan uga hadlayaan haweeneydaan ku soo biirtay darawalada gaadiidka BL-ka Muqdisho.

Dhinaca kale haweeneydaan  ayaa sheegtay in muddo sideed sano ah ay Taksiile ka ahayd wadanka Ingiriiska, iyadoona ka door biday inay dalkeeda hooyo dib ugu laabato halkaasna ay ka sii wadato xirfadeedii darawalnimada.

Wadada Gasha Shaqaalaha ee ka Dagata Fiya Laybeeriya ayuuu Gariga aan saaranahay haweeneydaana ay wada Marayaa

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in wararka maanta, Warka Soomaali [news]. Bookmark the permalink.

2 Responses to Daawo Sawirada Haweeneydii ugu Horeeysay Mudo 22-sano Ka Dib Darawal PL Muqdisho Ka Noqotay

  1. suheeyb oslo says:

    Masha allah wan kufarx sanahay mamo xabibo wa qofti igu horeysay o dumarah an kuaragu darwalnimo marka han balyo ayaan leyahay ani iyo asxab tadeda rer oslo

  2. Cabbaas says:

    Wlhi arin goob jog ayan ka ahaa qof shirka saaran aniga waaye wa arin aan ku farxay aadna uso dhaweenayo