Munaasabadaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Agaasimaha Isbtaalka Guud Ee Degmada Cadaado Daahir Cali Abtidoon iyadoona ay ka soo qeeb galeen Mas,uuliyiinta isbtaalka iyo shaqaalaha iyo sidoo kale Mas,uuliyiin ka tirsan Maamulka Ximan Iyo Xeeb iyadoona si wayn loogu soo dhaweeyay Drs Hibo Max,ed yuusuf Oo dhawaan Soo Gaadhay Isbitaalka Guud Ee Degmada Cadaado.
Sidoo kale munaasabaan ayaa waxaa ka Hadlay Agaasimaha Isbtaalka Guud Ee Degmada Cadaado Daahir Cali Abtidoon isagoona sheegay in ay si wayn u soo dhaweenayaan Drs Hibo Max,ed yuusuf ayna ku faraxsanyihiin in ay ka howl bilawday Isbitaalka dhaqtaradaasi waxuuna tilmaamay in ay garab taaganyihiin waqti walbo Drs Hibo Max,ed yuusuf ayna la shaqeen doonaan
Dhanka kale Qaar ka mid ah shaqaalaha Isbitaalka ayagana goobta munaasabada ka hadlay ayaa si wayn u soo dhaweeyay Drs Hibo Max,ed yuusuf waxeeyna sheegeen in ay ku faraxsanyihiin in ay dhaqtaradaasi ay kala howl bilawday Isbitaalka iyadoo taasi ay dhiiri galin oga dhigeen Drs Hibo Max,ed yuusuf .
Ugu danbeey ayaa Munaasabadaasi waxaa ka hadlay Drs Hibo Max,ed yuusuf iyadoona ugu horeen aad oga mahad celisay Agaasimaha Isbtaalka Guud Ee Degmada Cadaado Daahir Cali Abtidoon iyo Shaqaalaha Isbitaalka Sida Qiimaha Badan ee loogu soo dhaweeyay shaqada iyadoona sheegtay in ay wax badan oga inta ay taqaan oga faa,ideen doonto shaqada Isbitaalka si wanaagsane ula shaqeen doonto dhamaan shaqaalaha iyo mas,uuliyiinta Isbitaalka Guud Ee Degmada Cadaado Waxeeyna oga Mahad Celisay dhamaan Shaqaalaha Iyo Mas,uuliyiinta sida sharafta Badan ee loogu soo dhaweeyay.
















