Barakacayaal ku nool degmada Cadaado ayaa ka cabanaya xaalad nolol xumo oo soo food saartay xili cuno yari ay ka jirto qeybo kamida gobolada dhexe.
Qoysaskan barakacayaasha ah ee ku jira kaam lagu magacaabo Laanwayn oo ku yaal bariga magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa waxa ay ka cabanayaan xaalado nolol xumo oo la soo darsay, kuwaasi oo ay ugu daran yihiin cuno yar, hoy la’aan iyo cudurada ka dhasha nadaafad darida oo caruurtoodu la ildaran yihiin.
Qaar kamida barakacayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaalada dooda ay tahay mid aan fiicneyn oo la soo daristay cuno la’aan biyo la’aan iyo xaalad caafimaad daro.
Horjooga kaamka Laanweyn ee magaalada Cadaado ayaa sheegay in xaalada cuno yari ay timid ka dib markii Hay’addihii wax keeni jiray aysan mudooyinkaan imaan Kaamka taasina ay keentay in dadka ku nool Kaamka ay waayaan wax ay cunaan.
Qoysaskan oo duruufo kala duwan uga soo barakacay gobolada koofureed ee dalka iyo gobolada dhexeba ayaa waxa qaarkood ay daganaayeen kaamkan in ka badan 10-sano, iyadoo ay yareed kaalmada ay helayaan.












