Cristiano Ronaldo oo Sheegay in ay Dagaal u Geli Doonaan Sidii aay ugu Guulaysan Lahaayeen La Ligaha

Cristiano Ronaldo

Wareysi uu bixiyey xiddiga reer Portugal Cristiano Ronaldo, maanta oo Arbaco ah, ayaa la weydiiyey in uu naadigiisa Real Mardrid u cusbooneysiinayo qandaraaska ayaa sheegay in aanu ha hadli doonin arrimahaas hada ka dib muhiimna aaney ahayn balse mida muhiimka ah aay tahay in aay dagaal u galaan sidii aay La Liga ha ugu guuleysan lahaayeen iyo King’s Cup. Cristiano Ronaldo ayaa qandaraaskiisu ku eg yahay ilaa 2015.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa naadigiisa Real Madrid kula guuleystay La Liga ha xagaagii hore isaga oo ka ahaa xubintii ugu muhiimsaneyd naadiga. Cristiano Ronaldo ayaa Real Madrid u badiyey kulamo aad muhiim ugu ahaa ku guuleysashadooda aay ku guuleysteen La Liga ha. Kulamadaas ayaa waxaa mid ahaa kulankii aay  isaga hor imaadeen naadiga aay cadawga yihiin ee Barcelona oo aay uga badiyeen 2-1. Kulankaas oo keenay rajadii ugu wanaagsaneyd ayaa xiddiga reer Portugal u dhaliyey naadigiisa Real Madrid goolkoodii guusha 10 kii daqiiqo ee ugu danbeeyey cayaarta.

Cristiano Ronaldo ayaa ka mid ah xiddigaha sanadkaan ku tartamaya abaal marinta ugu qaalisan oo aay bixiso FIFA ee loo yaqaano Bollon D’or. Xiddiga ayaa abaal marintaas horay u qaaday sanadii 2008 kii isaga oo kula guuleystay naadigiisii Manchester United xiligaas, EUFA Champions League Premier League iyo Cups kale oo farabadan

Cristian Ronaldo ayaa  ah xiddig aay ku tiirsan yihiin Real Madrid iyo Portugal ba ayaa dhawaanahaan lagu soo warameyey in aay suurto gal tahay in uu isaga tago Real Madrid. Cristian Ronaldo ayaa Real Madrid ku soo biiray sanadkii 2009 ka isaga oo u saftay 118 kulan una dhaliyey 126 gool, waxaas xiddig lagaa dhahaa.

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in CAYAARAHA, Sports. Bookmark the permalink.

Comments are closed.