C/risaaq Alteeso oo Sheegtay Heesta Safarbaa La Tagayaa ee uu Lahaa allaha u Naxariistee C/qaadir Sanka

C/risaaq Alteeso oo ka mid ah fanaaniinta sanadihii ugu dambeeyey fanka ku soo biiray ayaa xaflad xalay ka dhacday magaalada Beverwijk ee waddanka Holland, looguna dabaaldegayey sanadka cusub wuxuu ka sheegay in heesta Safar baa la tegayaa ee uu horay ugu luuqeeyey ALLAHA u naxariistee Marxuum C/qaadir Sanka in isaga Alteeso ah loogu talogalay inuu ku luuqeeyo.

“Heesta Safar baa la tegayaa ee uu ku luuqeyn jiray MarxuumC/qaadir Sanka aniga ayaa loogu talogalay inaan ka qaado shirkii Carta-Jabuuti, laakiin waxaan ka baaqsaday shirkii Carta” ayuu yiri C/risaaq Alteeso, wuxuuna dadkii dhageysanayey uu u sheegay in lagu tiriyo inuu ka mid yahay dadkii hore, ee aan loo qaadan inuu yahay fanaaniinta dhowaan fanka soo galay.

Hadalka Alteeso ayaa dad badan u qaatay masib & been abuur uu geysanayo abwaanka miraha heesta sameeyey & fanaanka ku luuqeeyey, iyadoo xilliga heesta lagu luuqeynayey Alteeso aanu fankaba ku jirin, taasina ay muujineysa in kuwa sheeganaya fanaaniinta qaarkood ay fanaaniin lagu sheegi karin balse lagu tilmaami karo BURCAD-FANEED.

“Alteeso wuxuu ka mid yahay dadka fanka Soomaaliyeed ku ciyaaray, horay wuxuu u sheegtay heeso ay ku luuqeeyeen fanaaniin hore, markii laga tebay beentiisa hadda wuxuu u soo dhigtay fanaaniintii geeriyootay inuu masabito” ayuu yiri C/llaahi Cali (Jabra) oo ka mid ah dadkii xalay xafaldaasi goob jooga ka ahaa, wuxuuna intaa ku daray in fanaanka saxda ah uu u aqoonsan yahay inuu heeso isaga u gaar ah ku luuqeeyo, oo aanu ka daba wareegin heeso horay loo qaaday.

“Fankii wuxuu noqday sida sigaarkii oo qof walba uu dukaanka ka soo iibsan karo, ma jirto wax la yiraa (Qualitiet) lagu qiimeynayo fanaanka, fanaaniinteenii hore waxey ahaayeen kuwa dadka dhagahooda ka ilaaiya in ay maqlaan beenta & huu haada aan waxba ka jirin, hadda waxaa soo baxay kuwa wasaqeeyey magacii fanka, oo heeso horay loo qaaday oo aaney shaqo ku laheyn iska sheeganaya” ayuu yiri Jabra oo allsomalia.com u waramayay

Si kastaba aha haaatee waxaa isa soo taraya rag iska sheegta heesihii horay loo qaaday isla markaasna ku doodaya in ay iyagu leeyihiin

www.allsomalia.com

xafiiska wararka allsomalia.com

amsterdam holland

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxa ay gaar ku tahay qoraaga ee maaha mid ay qabto allsomalia.com

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in ARRIMAHA BULSHADA, SUUGAANTA. Bookmark the permalink.

Comments are closed.